Maamulka Gobolka Togdheer, Ka Degmada Burco Iyo Taliska Booliska Ee Gobolkaas Oo Ka Hadlay Mudaharaado Ka Dhacay Magaalada Burco

HARGEYSA – (WARSOOR) – Sida uu ku soo waramaayo wariyaha wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA uga soo warama magaalada Burco Maxmed Wardi maayarka magaaladq Burco Maxamed Yuusuf Muraad ayaa sheegay in magaalada Burco aanay u baahnayn in la khal-khal galiyo ammaanka, isla markaana dhibaato loo gaysto ganacsiga iyo goobaha danta guud ee ku yaala magaaladaas.

Maayar Muraad wuxuu dadweynaha ku nool magaalada Burco u soo jeediyay in ay ilaaliyaan ammaanka magaalada isla markaana aanay qaadin talaabooyin dhibaatayn kara ammaanka guud ee degmadaas.

Taliyaha qaybta boolisn  ee gobolka Togdheer Maxamed Faarax Nuur abaan duulaha ciidanka qaranka ee qaynta 12-aad ayaa si wada jir ah u sheegay in aanay cidna ka ogolaan doonin in ay khal-kahl galiyaan ammaanka magaalada Burco isla markaana laga sameeyo rabshado sababi kara haliso abni oo kala duawan.

Ugu dambayn gudoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd ayaa sheegay in ciidaamada aammaanku ay u xil saaran yihiin in ay iilaaliyaan ammaanka guud ee gobolka, cidkasta oo dhibaataynaysa nabadgelyadana ay talaabo sharci ah ka qaadaan.

Gudoomiye Maxamed Diiriye wuxuu xusay in shacabku caban karaan, laakiin aanay sax ahayn inay qaadaan talaabooyin halis galin kara ammaanka, waxaanuuu guu ahaan dadka ku nool magaalada Burco u soo jeediyay inay ilaaliyaan xasiloonid iyo ammaanka.