Maamulka Gobolka Hiiraan oo ka digay diidmada Shilin Soomaaliga

Baladweyne – (warsoor) – Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada ee Gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cusmaan ayaa sheegay iney wadaan baaritaanno ku aaddan sababta keentay diidmada Lacagta Shilin Soomaaliya ee Magaalada Baladweyne.

Sheekh Xuseen Cusmaan ayaa intaa raaciyay iney wadaan daba-gal iyo xog uruurin ku aaddan sidii loo ogaan lahaa waxyaabaha sababey iney ganacsatadu diidaan Lacagta Shilin Soomaaliga oo ay haatan ka shaqayso Kunka shilin oo keliya.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa tilmaamay iney arrintani ka dambeeyaan qaar ka mid ah Ganacsatada Baladweyne, wxuuna ugu baaqay iney bulshada dan yarta ah ka qaadaan cunaqabataynta ay saareen haddii kale lala xisaabtami doono.

Shacabka ku dhaqan Magaalada Baladweyne iyo degaannada ku xeeran ayaa in dhowaalaba ka cabanayay dhibaatooyin la xiriira diidista Lacagta Shilin Soomaaliga,waxanay sheegeen qaar ka mid ah Dadka halkaasi ku nool iney dareemeen ciriiri xagga quutul daruuriga maaddaama aysan jirin wax ay wax ku iibsadaan marka laga reebo isticmaalka Doollarka (EVC PLUS)  oo aan la wada awoodin.

 

Xigasho:Sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.