Maamulka Ciidanka Dab-demiska Qaranka Somaliland oo imtixaam ka qaaday Ciidanka Dab-demiska Cusub Ee Magaalada Burco

Burco – (warsoor) – Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Jsl Mudane Yaasiin Xaaji Maxamud Faratoon ayaa subaxii hore ee maanta kulan kula qaatey qasriga Madaxtooyada Magaalada Burco ,Aggaasimaha Fulinta Ciidanka Dab-demiska Somaliland, Badhasaabka Gobolka Togdheer, Badhasaab ku xigeenka Gobolka Togdheer, xubno ka mid ah Golaha Deegaanka Dagmada Burco iyo Gudida dhismaha Mashruuca dab-demiska Dagmada Burco.

Kulankaasi oo wasiirku shirgudominayey ayaa u jeedadiisu aheyd sidii loo fulin lahaa imtixaamka lagu kala saarayo xubnaha soo codsadey ka mid noqoshada Ciidanka dab-demiska Dagmada burco.

Hadaba ugu horeyn Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Mudane Yaasiin Xaaji max,ud Faratoon ayaa waxa uu maamulka gobolka iyo ka dagmada u faahfaahiyay ujeedada ka danbeysa imtixaamka laga qaadayo xubnaha soo codsadey in loo tababaro Dab-demiska Dagmada Burco in ay ku qotonto siyaasada guud ee lagu aasaasey Ciidanka dab-demiska Somaliland kaasi xubin kasta oo ka mid noqonaya ciidanka dab-demiska uu soo maro miisaan iyo imtixaam kala duwan si loo helo xubno xul ah oo ku haboon tababarka iyo xubinimada Ciidanka dab-demiska Somaliland sidaa darteedna maamulka Gobolka Togdheer iyo ka dagmada burcaba laga doonayo in ay gacan siiyaan wafdiga uu hogaaminayo Agaasimaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland ee qorshahoodu yahey in ay imtixaamka ka qaadaan xubnaha soo codsadey ka mid noqoshada ciidanka loo tababari doono dab-demiska dagmada burco.

Kulankaasi kadibna waxey saraakiisha Ciidanka dab-demiska Somaliland guda galeen waajibaadka lagu kala saarayo xubnaha soo codsadey ciidanka dab-demiska Dagmada Burco kuwaasi oo tiradoodu dhantahey 340 codsi kuwaasi oo 110 xubnood oo ka mid ahi kusoo baxeen qiyaasta miisaanka laga doonayo xubnaha u fadhiisanaya imtixaamka qoraalka iyo qaabka iskugu jira ee laga qaado xubnaha dab-demiska loo tababarayo

Sidoo kalae waxa iyaguna miisaanka ku hadhey 179 xubnood halka 51 xubnood oo ka mid ahi ay ka maqnaadeen imtixaamkii miisaanka ee kala reebista xubnaha soo codsadey Dab-demiska dagmada Burco.

Geesta kale ka hor intii aan imtixaamka la guda galin waxa goobtaasi ka Hadley xubno ka mid ah gudida dhismaha mashruuca dab-demiska dagmada burco kuwaasi oo xubnaha soo codsadey ka mid noqoshada ciidanka Dab-demiska dagmada burco u sheegey in ay mari doonaan imtixaam cadaaliya oo gudidu goob joog ka tahey is markaana xubinkastaaba xaqiisa oo cadaalada uu ka heli doono

Dhinaca kalana Aggaasimaha fulinta ciidanka dab-demiska Somaliland goobta ka Hadley ayaa waxa uu sheegey in uu aad iyo aad ugu mahad celinayo ilaahey SWT marka xigana xukuumada Somaliland ee hirgalisey mashruucan dab-demiska Somaliland kaasi oo sanadka 2016 ay ka faa,iideysan doonaan 3 magaalo oo burco ka mid tahey kuwaasi oo loo dhisayo xarumo Dab-demis loona tababarayo ciidankii ka howl gali lahaa isla markaana la qalabeyn doono cududa ciidanka dab-demiska ee dagmada burco sidaa darteedna ay talis ahaan iyo maamul ahaanba isla garteen in ay hoyga geesiyaasha Somaliland ee burco usoo bandhigaan in imtixaam la mariyo cida loo tababari doono dab-demiska burco si loo helo xubno xul ah oo hanan karan badbaadada nolosha iyo hantida dagmada burco isla markaana loo baahan yahey in xubnaha imtixaamka maraya loo cadaalad sameyn doono isla markaana imtixaamka ay goob joog ka ahaan doonaan maamulka gobolka togdheer, golaha deegaanka burco, gudida dab-demiska heer gobol iyo xubno ka socda hayada shaqaalaha Dowlada Somaliland kuwaasi oo dhamaantoo la socon doona hanaanka ciidanka dab-demisku imtixaamka u qaadayaan natiijadana usoo saarayaan sidoo kalana xubana soo codsadey looga baahan yahey in ay ku qancaan natiijada imtixaamka kasoo baxda

Geesta kale waxa Aggaasimaha Ciidanka dab-demiska shaqadan ku wehelinaya 13 sarkaal oo ka tirsan taliska Ciidanka dab-demiska Somaliland kuwaasi oo kala ah Madaxa qeybta farsamada iyo tababarka bulshada, Madaxa xafiiska howlaha Ciidanka, Madax xigeenka Qeybta maamulka iyo maaliyada, madax xigeenka qeybta farsamada iyo tababarka bulshada, Madax xigeenka qeybta Caafimaadka, Hogaanka Warbaahinta iyo xidhiidhka dadweynaha iyo saraakiil kale oo ka tirsan taliska dhexe ee ciidanka dab-demiska Somaliland

Xafiiska Wararbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha

Ciidanka Dab-demiska Somaliland.

Burco/Somaliland.

Emergnecy Call. 990

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.