Ma Lagu Odhan Karaa…?

Qofku xilka dawladnimo wuxu kaga tagi karaa:
1-Is-casilaad
2-in xilka laga qaado
3-in uu dhinto

Dadka qaar ayaa waxay isku qaldaan qofka xilka laga qaado iyo ka iskii uga taga; markaad arrin ka hadasho ayay odhanayaan muxuu uga u sheegi waayay intii uu xilka hayey;
Kuwaas waxan odhan lahaa; inkastoo ay ahayd in la igaga filnaado: Waar qofka marka xilka laga qaado ayaa lagu yidhaa sidaa ee laguma yidhaa marku iskii uga tago; ee uu isagu is-casilo. Waxa la mid ah kuwa ku odhanaya, iska yara muquuro muddo; waar kaasi aan kuugu celiyee waa ka la eryo. Ha isku qaldin Xaaji!!!!

labada aad baa loo dhegeystaa marku qofku xilka iskii uga tago; maxaa yeelay istiqaaladdii uu dhiibay wuxu ka helay awood siyaasadeed iyo haybad (moral authority); waxaba idin dhaama kuwii aan ka tegay oo intaa garanaya; si aan la ii dhegaysan ayay markiiba caammada (not intellectuals) u dhiibeen war been ah (propaganda) oo odhanaya ninkii agaasimaha ahaa ee is-casilay Xamar buu u goostay.

sababta kale ee maalintii xil-wareejinta loo diiday saxaafadda iyo Tv-yada waxay ahayd iyagoo og qofku markuu is-casilo in aad loo dhegaysto oo uu yeelanayo haybad iyo awood siyaasadeed (moral authority) oo lagu dhegaysto. Nasiib darroโ€™se waxay isticmaaleen laba hab oo xagga ilaahay iyo xagga xorriyatal qawlka midna ku fiicnayn; mid waxay ahayd been iyo propaganda; ta kalene cabudhin saxaafada ah iyo ku xadgud dastuurka waddanka u yaal ee damaanad qaaday xorriyatal qawlka.

khudbadda uu jeediyo qofka xilka iskii uga tega waxa loo yaqaanaa khudbaddii maca-salaamaynta (valedectory speech); waa mid ka mid ah khudbdaha aadka loo jecelyahay ee ugu saamaynta badan.

Noolada; Noolaada;
Abdi Ali: your civil society activist

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.