“Ma jiraan wada hadal dhex maray Maxamuud Xaashi iyo Madaxweyne Muuse Biixi”

HARGEYSA – (WARSOOR) – Xildhibaan Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada, ayaa waxba ka jiraan ku tilmaamay warar sheegayey in Wada hadal dhex maray Maxamuud Xaashi iyo Madaxweyne Muuse Biixi, isaga oo ka dhawaajiyey in wararkaas yihiin ii dhehe suuqa la soo gashaday, waxaanu yidhi “Warka sheegaya in Maxamuud Xaashi iyo Madaxweynaha wada hadal dhex maray waa been iyo mala waal, dadka ii dheheda loo dhiibaa, meelahaas ka sheegaan. Maxamuud Xaashi iyo anigauba iyo deegaannada aanu ka soo jeedaa, waxa aan filayaa in ay Kulmiye kala caraabeen”.

Xildhibaan Cabdilaahi Yusuf, waxa kale oo uu sheegay in Xeerka Ururrada Siyaasaddu uu Golaha Wakiillada horyaalo oo uu Madaxweynuhu ku soo celiyey, isaga oo xusay in Goluhu cod ku celin doono amma uu ka doodi doono qodobada wax ka beddelka ee uu codsaday Madaxweynuhu.

Xildhibaan Cabdillaahi Yusuf Axmed, waxa uu wax lala yaabo ku tilmaamay Xildhibaannada ku dooddaya in Xeerkaas dhaqan gal yahay, isaga oo ka dhawaajiyey in Madaxweynuhu Xeerka Ururrada ku soo celiyey Golaha wakhtigii sharcigu siinayey.