Liverpool Oo U Diidday Mohamed Salah Inuu Xulka Dalkiisa Masar U Ciyaaro

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa isku dayday inay ka joojiso xiddigeeda Mohamed Salah inay ka joojiso, in uu u tago xulka qaranka Masar oo uu u ciyaaro kulamada toddobaad kaddib ay ciyaaryahannada waaweyni tegi doonaan.

Liverpool oo ka baqaysa Fayraska Korona ayaa waxay qaadday tallaabo ay laacibkan kaga xayirayso inuu u safro waddankiisa maadaama markaย  uu soo laabto uu seegi doono illaa saddex ciyaarood oo muhiim u ah Reds oo ay ku jirto lugta hore ee Champions League.

Xulka qaranka Masar ayaa September 2 waxa uu magaalada Qaahira kula ciyaari doonaa Angola saddex maalmood kaddibna waxay u safri doonaan Gabon, iyadoo labadan ciyaaroodba yihiin isreeb-reebka Koobka Adduunka.

Mohamed Salah ayaa marka uu ku laabto UK waxa uu geli doonaa karantiil haddii uu ka qayb-galo ciyaarahan, maadaama Masar ay ku jirto dalalka uu Ingiriisku geliyey liiska cas, waxaana uu muddo toban maalmood ah ku qaadan doonaa Hotel uu isagu lacagta iska bixinayo.

Tani waxay keeni doontaa in uu seego kulanka horyaalka Premier League ee Leeds United, ciyaar FA Cup ah iyo lugta hore ee Champions League oo kooxda ay la ciyaarayaan la ogaan doono toddobaadkan marka la sameeyo isku aadka.

Si kastaba, Liverpool ayaa raalli ka ah in Salah uu ka qayb-galo ciyaarta Gabon ay martida u noqonayaan maadaama aanu waddankaasi ku jirin dalalka ay liiska cas kaga jira Ingiriiska.Liverpool ayaa qoraal ay u dirtay xidhiidhka kubadda cagta Masar waxay kaga codsatay in Mohamed Salah laga saaro liiska ciyaartoyda kulamada isreeb-reebka Koobka Adduunka ee Angola iyo Gabon, waxaana arrintan xaqiijiyey xidhiidhka masar.

Reds waxa kale oo ay codsiyo noocan oo kale ah u dirtay Brazil oo iyagana ay ka dalbatay in aanay liiskooda ku darin Alisson Becker, Fabinho iyo Firmino.

War-saxaafadeed uu soo saaray xidhiidhka kubadda cagta Masar ayaa waxay ku sheegeen inay aqbaleen codsiga Liverpool iyagoo ka duulaya xaaladaha jira, sida in laacibkani marka uu ku laabto UK uu geli doono karantiil saamayn ku yeelanaya badqabkiisa jidheed.