Liverpool Oo Iska Xaadirisay Finalka Champions League Markii 10-aad

Liverpool ayaa iska xaadirsay finalka Champions League markii 10aad ka dib markii ay guul soo laabasho cajiib ah ka gaareen Villarreal lugtii labaad ee semi-finalka iyagoo ku soo baxay natiijo wadareed 5-2 ah.

Reds ayaa ka soo kabsatay labo gool oo looga hormaray kulankii xalay iyagoo qeybtii labaad ku bedelay seddex gool ka dib goolal ay u kala dhaliyeen Fabinho, Luiz Diaz iyo Sadio Mane. Halka ay lugtii hore ee Anfield ay 2-0 ku soo badiyeen. Waxayna Reds dishay riyadii Villarreal oo xilli ciyaareedkan wacdarro ka dhigtay Champions League.

Reds waxay finalka ku sugeysaa haatan midkii soo baxa kooxaha Manchester City iyo Real Madrid oo habeen danbe lugta labaad ee semi-finalka ku ciyaaraya Bernabeu.