Liverpool oo iska xaadirisay afar dhammaadka Horyaallada Yurub

Liverpool ayaa iska xaadirisay afar dhammaadka Horyaallada Yurub ee Champions League, waana markii ugu horraysay muddo toban sano ah.

Arrintan ayaa timid ka dib markii ay badiyeen ciyaar goosha lagala hormaray iyaga oo ku badiyay 5-1 marka la isku daro natiijada labada kulan ee ay la dheeleen Manchester City.

City ayaa ciyaaarta si wanaagsan ku billawday iyaga oo isku dayaya in ay iska soo gudaan saddexdii gool ee kulankii koobaad, Raheem Sterling ayaana gool u salaxay Gabriel Jesus oo si wanaagsan u dhamaystiray iyadoo ciyaartu ay labo daqiiqo oo kali ah socotay.

Laakiin kama aysan soo kabanin dhacdo muran dhalisay oo markii dambana horseeday in kaarka cas la siiyo tababare Pep Guardiola.

Bernardo Silva ayaa birta ku dhuftay, Liverpool-na caddaadis badan ayaa fuulay, Leroy Sane ayaana gool kale shabaqa ku hubsaday.

Balse garsooraha ayaa waxba kama jiraan ka soo qaaday oo sheegay in uu ofsaayt ahaa, inkastoo kubada la dabo mariyay James Milner oo dhanka goosha xigay, Guardiola ayaana arrintaas aad uga carooday isaga oo dhanka garoonka u orday.

Caradii uu kula dhacay tababare Antonio Mateu Lahoz ayuuna kaarka cas ku mutaystay.

Nashaadkii City ayaa hoos u dhacday markii tababaraha laga saaray, Maxamed Saalax ayaana gooshiisii 39 ee xilli ciyaareedkan u dhaliyay Liverpool.

Roberto Firmino ayaa isna shabaqa ku hubsaday goosha labaad ee quusisay City.

Liverpool ayaa Jimcaha ogaan doonta kooxda ay foodda is daridoonaan marka la qabto isku aadka afar dhammaadka Horyaallada Yurub, kaas oo lagu qaban doono magaalada Nyon ee dalka Switzerland.

 

Xigasho: BBC Somali

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.