Liverpool oo Heshiis Qaali ah u Bandhigtay Ciyaartoygeeda

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa heshii qaali ah oo lacago badan xambaarsan u bandhigtay mid ka mid ah ciyaartoydeeda shaqada fiican qabtay xilli ciyaareedkii tegay kaas oo ay doonayaan in uu waqti dheer sii joogo Anfield.

Ciyaartoydii guulaha Reds ku suntanaa waxa ka mid ahaa weeraryahanka reer Portugal ee Diogo Jota oo ahaa ciyaartoyga labaad ee ugu goolasha badnaa Liverpool isaga oo ku xigay Mohamed Salah oo kabta dahabka ah iyo abaal-marinta kubbad-sameeyaha ugu fiican isku darsaday.

Jota ayaa dhaliyey 21 gool oo dhamaan tartamada ah, waxaanu ku daray siddeed caawimood, waxaana hadda ay kooxdu miiska u saartay heshiis cusub oo si weyn sare ugu qaadaya mushaharkiisa, isla markaana lagu dheeraynayo sannadaha ka hadhsan heshiiskiisii uu saxeexay sannadkii 2020 oo Liverpool ay £40 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Wolves.