Liveprool Oo Taariikh Cusub U Samaynaysa Kooxaha Reer England Hadii Ay Garaacaan Ac Milan

Kooxda Liverpool ayaa isha ku haysa in ay qorto rikoodh kale oo taariikhi ah marka ay caawa la ciyaari doonto kooxda Ac Milan kulan champions League ah.

Reds ayaa u awood sheegatay Group B oo ay ku wada jiraan Ac Milan, Atletico Madrid iyo Fc Porto waxana ay xaqiiqsadeen booskooda wareega 16-ka iyaga oo 4 kulan oo kaliya ciyaaray.

Guushii 2/0 ayd ee ay ka gaadheen Fc Porto ayaa ahayd guushii 5-aad ee ay Liverpool ka gaadho champions League kaliya Ajax iyo Bayern Munich ayaa qabtay shaqada Liverpool oo kale.

Hadii ay kooxda Liverpool badiso kulanka caawa waxa ay noqon doontaa kooxdii ugu horaysay ee England ah ee taariikhda champions League wada badisa dhamaan wareega Group-yada champions league.

Sidoo kale Liverpool ayaa isha ku haysa in ay badiso 6 kulan oo xidhiidh ah wareega Group-yada markii ugu horaysay taariikhdooda.