Lacagta Jabhadda!

Safar degdeg ayuu ahaa kaasi oo aan ugu baxay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Abbaaro afartii iyo badhkii subaxnimo ayaan ka baxay magaalada Hargeysa, waxaana ka raacay magaalada Hargeysa gaadiidka dadweynaha u kala qaada Laasaanood iyo Hargeysa.

Markii aanu Hargeysa ka baxnay illaa intii aanu jidhka kusii jirnay waxaanu sii marnay ku dhawaad 100 tuulo oo mid walba ay joogaan ciidamo gaadiidka baadhaya ama taagan goob gaadiidku ay ku hakadaan “Check point”. Goob kasta oo askari uu taagan yahay isla markaana uu gaadhiga joojiyo waxaa ku baxaysa lacag oo darawalka gaadhiga aan saarnaa waxaa uu goob kasta ku bixinaayay lacag kun shilin oo Somaliland ah una dhiganta $0.12, laakiin lacagtaasi may ahayn mid sifo sharci ah ku baxaysay oo waxaa iska qaadanayay askariga waayo ma sito askarigu Juwan (Marka laga soo tago kantaroolka Halleeya ee Hargeysa) balse waxaan u fahmay isfahan u dhaxeeya gaadiidleyda iyo askarta.

Ku dhawaad toban saacadood oo aanu safar ku ahayn jidhka u dhaxeeya Hargeysa iyo Laascaanood ugu dambeyntii waxaanu gaadhnay magaaladii aanu u soconay ee Laascaanood.

Laba maalmood ayaan joogay laascaanood (11-13May,2018) waana markii labaad ee aan tago magaaladan.

Maalintii labaad ee aan joogo Laascaanood ayaan tagay suuqa wayn ee magaalada si aan uga sarrifto lacag shilinka Somaliland ah taasi oo dukaamada waxba ay nagaga iibin waayeen aniga iyo xubno kale oo qoyska ah isla markaana aan wada soconnay.

Nin aanu saaxiibo nahay oo reer Laascaanood ah oo Cabdiraxmaan la yidhaahdo ayaa noo kaxeeyay dhanka sarriflayaasha suuqa Laascaanood si aanu usoo sarrifano waxoogaa shilimaad Somaliland ah oo aan sidanay. Sarriflihii ugu horreeyay ee aanu u tagnay waa naga diiday in uu noo sarrifo lacagta Somaliland sidoo kale kii labaadna wuu naga diiday, kii saddexaad ayaa na ogolaaday hase ahaatee waxaa na dhex maray isagana waxoogaa kaftan ah; Waxaan is dul saaray labada lacagyow ee Somaliland iyo Soomaaliya si aan sawir uga wada qaato, wuu iga diiday sarrfilihii oo wuxuu igu yidhi kadaa lacagta ha dul saarin lacagta Jabhadda e’ maaha lacag laga aqoonsan yahay bangiyada adduunka e’. Anna waxaan ku idhi walaal lacagta iiga daa faquuqa waxba kama duwana lacagahaas kale e’ wuxuu iigu jawaabay faquuqu Hargeysa ayuu kasoo bilaabmaa oo idinkaa fikirkayagii nagu colaadiyay oo wax walba nagu diiday.

Dhacdadani waxay isoo xasuusisay sannadkii 2013kii mar aan Laascaanood tagay sidan oo kale ayaan is idhi lacagta Somaliland wax kaga iibso dukaan ay haweenay haysay markaan ku idhi walaal Laws igaga iibi laba kun oo shilinka Somaliland ayay haweenaydii igu tidhi “adeer annaku waxan lacag uma naqaannee saxarada iskaga bii”.

Marka laga soo tago dhacdadaas kooban Laascaanood muddadii koobnayd ee aan joogay waxaa iiga muuqday is-baddallo badan oo dhanka horumarka ah, iyadoo markii iigu horraysay magaalada ee aan tago ay lahayd hal laami oo keli ah wallow hadda ay yeelatay laamiyo badan haddana waxa weli muuqata in jidadka magaaladu ay aad u yar yihiin.

Laascaanood waxyaabaha aan la yaabay intii aan joogay waxaa kamid ahaa in dadka shacabka ahi sitaan qoryaha fudud dariiqyada dhexdooda, marka aad waydiiso dadkana waa maxay qofkan sita hubka magaalada dhexdeeda waxay ku odhanayaan naftiisa ayuu ku ilaalinayaan.

Guri kasta oo ku yaalla magaalada Laascaanood wuxuu leeyahay laba albaab, sababtana waxaa laygu sheegay xaaladda nabad-galyo ee magaalada awgeed (Wallow ay jiraan magaalooyin sidaas oo kale guryahooda iyaguna leh laba albaab).

 

Khaalid Foodhaadhi
Reporter: Goobjoog TV
Hargeysa, Somaliland.

Khaalidfoodhaadhi@gmail.com

Mobile: +252634012548
Thank you.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.