Afar qof oo ku dhimatay iyo 20 kale oo ku dhaawacmay weerarka dhismaha baarlamaanka UK

Ingiriiska – (warsoor) – Afar qof ayaa ku dhimatay 20 kalana way ku dhaawacmeen weerar ka dhacay bartamaha London oo ay boolisku ku sheegeen inuu ahaa fal argagixiso.

Gaadhi ayaa si ula kac ah loo jiirsiiyay ugu yaraan 12 ruux oo marayay buundada Westminster ee agagaarka dhismaha baarlamaanka UK oo gebi ahaantiisba hadda la xiray. hawenay ayaa u dhimatay dhaawicii soo gaaray.

Qof ka soo dagay gaarigaaasi ayaa tooreey ku weeraray askari booliis ah oo taagnaa dibedda dhismaha baarlamaanka. Askeriga ayaa meesha ku geeriyooday. waxaa markiiba ninkaasi toogtay booliis hubaysan.

Injured people are assisted after an incident on Westminster Bridge in London. REUTERS/Toby Melville

Gawaarida gurmadka degdegga ah ayaa gaaray goobta uu shilku ka dhacay.

Ra’iisalwasaaraha Britain Theresa May, ayaa loo sii qaaday goob ammaan ah markii rasaasta la maqlay.

Ilo ayaa BBC-da u sheegay in aysan dhacdadan la xiriirin iyada. Kulankii baarlamaankanana ayaa la hakiyay.

Waxaa jira warar sheegaya in rasaas laga maqlay dibedda baarlamaanka UK. Wararka ayaa sheegaya in dhismaha baarlamaanka ee Westminster gebi ahanatiisba la xiray.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen dad dhaawcmay oo gargaar deg deg ah lagu siinayo goobta.

Waaxda maamusha gaadiidka dadweynaha London ayaa sheegtay in boolisku uu ka dalbaday in la xiro boosteejada tareenka laga raaco ee ku taalla agagaarka dhismaha Westminster.

Booliska magaalada London ayaa sheegay in weerarka baarlamaanka London ay ula macaamalayaan inuu yahay mid argagixiso ilaa iyo inta ay ka helayaan ‘war kaa ka duwan’.

Xigasho: BBC

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.