Laascaanood:- Wasiiradda Xukuumadda Ee Ku Sugani Xal Ma unoqon Karraan Xaalada Taagan (faallo)

Marka Si dhab ah, looga hadlo Dhacdooyinkii isdaba jooga ahaa, ee Ka Dhashey Mudaharaadkii ka dhacay Gudaha Laascaanood, Dadkii Ku Dhintey rabshadaha iyo Kuwii Ku dhaawacmeyba, iyo Maanta halka ay Arintu Taagan Tahey, Waxa Kuu soo baxaya inaanney, Wasiiradii Ka Socdey Xukuumadda ee Gaadhey halkaasi Mar Kaliya ku dhaqaaqin Talaabadii Looga baahnaa, oo Lagu Daaweyn lahaa Quluubta Shacabkii dhibaatadu gaadhay, Marka laga Reebo Shir-jaraa,id oo Miis loo soo fadhiisto iyo Qoraal la akhriyo.

Marka ay halkaa joogto, iyaddoo ay si dhab ah u Muuqato in aanney Habayaraatee Gacanta ugu jirin, Wasiirada Kasoo jeeda Deegaanka Matelaadi Shacabka Sababtoo ah Ninka Shan Sanadood Wasiir ahaa, ee Marka uu halkaa tagana Baabuur qufulan iyo Ciidan uu Wato iyo hadalo Tirtirsi ah aanney Waxba u dhaafsiisneyn, islamarkaana, ay Si Cad u Muuqato in Arimo badan oo jira Awgeed isla Fursadan Mucaaridka Dawladdu uga Faa,ideystey Xaalada iyo Khilaafka Siyaasiga ah ee Dalka Ka jira, Maalmaha ay hadda joogeen laf ahaantooda Waxey Daayaceen Arimihii looga baahnaa inney Dareen ahaan Ku bogsiiyaan Dadkii Dadkoodu Ku Geeriyoodeen, iyo Kuwii ku Dhaawacmayba oo Magtii iyo dhaymihii Miiska Loo Saaro.

Sikasta oo ay tahey, Waxa Kale oo dhinacooda ka Maqan, Talaabadii Xukuumaddu Ku laheyd in laga Qaado, Masuuliyad Darada Saraakiisha Gobolka uga Wakiilka ahaa, taas oo aan iyana u baahneyn in Wakhti lala Sugo, si Shacabku Garawshiiyo u Dareemo, iyaddoo Wasiirka Arimaha Gudaha laf ahaantiisu Marar badan ku noqnoqdey Deegaanka iyo Degmada Laascaanood Waxey u Muuqataa innuu is dhacsiiyey, in Arimaha loo daba-fadhiisto Xataa Madaxweynaha iyadoo aad Moodo in Caqabada, iyo Waxa ay Dadka Reer Sool ka tirsanayaan Xukuumadda inuu Qeyb ka Noqdey, xataa Marka loo eego Shirarkiisa jaraa,id ee indhawaale.

Gabagabadii Marba haddii Garaadadii Isugu yimaadeen, Laascaanood Shacabkiina Gaadhsiiyeen Fariintooda ah tabashada Xukuumadda Shirka ay Ku Kulmayaana loo Fasaxay Go,aanka ay Kasoo Saaraan oo Isla Fariinta ay Dadkooda la Wadaageen ah, Wasiiradu ma Waxey kaga Jawaabi doonaan Qoraal kii Maanta Wasiirka Arimaha Guduhu akhriyey oo Kale ah in aanney Go,aanadaas ogoleyn ah taas oo ay iyana Xaalada Sii Kordhineysa, Waxey u Muuqataa in aanney Xaalada Ka Taagan Laascaanood iyaggu Xal u aheyn bal aynu Dhawrno Halka ay Ku Dambeyso.