Kuuriyadda Waqooyi oo Markii Shanaad Tijaabisay Hubkeeda Nuclear-ka

Kuuriyadda Waqooyi  – (warsoor) – Kuuriyadda Waqooyi ayaa maanta oo Jimce ah tijaabisay markii shanaad hubkeeda Nuclear. Gantaalkan maanta la riday ayaa sheegay inuu aad uga awood badan yahay kii lagu dhuftay magaaladda Hiroshima, waxaanu gantaalkani awood u leeyahay inuu xambaaro madaxyaddda gantaaladdda balastikadda ah.

Gantaalkan ayaa noqonaya kii ugu qaraxa weynaa ee ay tijaabiso kuuriyadda Waqooyi tan iyo bishii January markii ay qaramadda midoobay kulan ay yeesheen ay ku go’aamiyeen in lagu sii adkeeyo Kuuriyadda waqooyi cuno-qabataynii saarnayd, laakiin cunaqabataytani kamay horjoogsan inay sii horumariso hubkeeda.

FILE PHOTO - North Korean leader Kim Jong Un provides field guidance during a fire drill of ballistic rockets by Hwasong artillery units of the KPA Strategic Force, in this undated photo released by North Korea's Korean Central News Agency (KCNA) in Pyongyang September 6, 2016. KCNA/Files via Reuters
FILE PHOTO – North Korean leader Kim Jong Un provides field guidance during a fire drill of ballistic rockets by Hwasong artillery units of the KPA Strategic Force, in this undated photo released by North Korea’s Korean Central News Agency (KCNA) in Pyongyang September 6, 2016. KCNA/Files via Reuters

Madaxweynaha Kuuriyadda Koonfureed Park Geun-hye oo ku ka qayb galay shir madaxeedka hogaamiyaasha Aasiya oo khamiistii la soo gabo-gabeeyey ayaa sheegay in hogaamiyaha Kuuriyadda Waqoooyi Kim Jong Un inuu khatar wayn ku sacabo tumaaayo, gabi ahaana uu iska dhago mariyey baaqii caalamku ugu yeedhay inuu faraha ka baxo horumarinta hubkiisa Nuclear ah.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa hadlay tijaabadan ay samaysay Kuuriyadda Waqooyi ayaa yidhi waxay kala kulmi doontaan cidhib xumo daran waxaanu sheegay inuu aqalka cad kula hadli doono madaxweynayaasha Park ee Kuuriyadda Koonfureed iyo Ra’iisal wasaaraha Japan Shinzo Abe.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.