Kuubaan Maraykanka Ku nool Miami oo u dabaaldagay dhimashada Fidel Castro

USA – (warsoor) – Boqolaal ka mid ah Kuubaan Maraykanka ku nool magaalada Miami ee dalka Maraykanka oo mararka qaar lagu naanayso magaaladaas Hafaanadii Yarayd, ayaa isugu soo baxay jidadka si ay ugu dabaal dagaan dhimashada Fidel Castro ee xalay ku geeriyooday dalkiisa.

Fidel Castro oo inqilaab milatari oo uu hogaaminaayey ku qabsaday dalkaasi ayaa Kuuba xukumaayey tan iyo intii Maraykanka xukunkiisa isaga dambeeyeen 10 Madaxweyne oo la soo doortay.

Fidel Castron ayaa habeenimadii Jimcaha ku dhintay magaalo madaxda Kuuba ee Hafaana isagoo 90 jir ah.

Madaxweynaha Kuuba Raul Castro ayaa geerida walaalkii ku dhawaaqay subaxnimadii hore ee sabtidan.

cf8225d38cc24f51abd3d9fd17efc057_18

Kuubaanka mastaafuriska ku jooga Maraykanka ayaa dabaaldagyo ay ku faraxsan yihiin dhimashadiisa waxa ay ka dhigeen dalka Maraykanaka, waxaanay lulaayeen wadooyinka calanka kuuba waxaanay ku dhawaaqayeen ‘Kuuba way xoroyday’.

Kumanaan kale ayaa baraha bulshadu kuwada xidhiidho ay qaarkoodna ugu dabaal dagayeen guulihii uu hogaamiyaha kacaanku ka gaadhay daryeelka caafimaadka, halka ay kuwo galena ka cambaaraynayeen xukunkiisii dheeraa, waxaanay u dabaal dagayeen dhimashadiisa.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.