Kulankii Ugu Horeeyey Ee Ay Yeeshaan Golaha Wasiirada Ee Xukuumadda Cusub Oo Uu Shir Gudoominayey Madaxwaynaha JSL Mudane, Muuse Biixi Cabdi

Hargeysa – (warsoor) – Kulankii ugu horeeyey ee ay yeeshaan Golaha Wasiirada ee xukuumadda cusub oo uu shir gudoominayey Madaxwaynaha JSL Mudane, Muuse Biixi Cabdi, waxaa lagaga wada hadlay arrimo dhawra. Kulankaas waxaa ka qayb galay 31 xubnood oo ka mida 32-ka  xubnood ee golaha wasiiradu ka kooban yahay. Madaxwyne Muuse Biixi Cabdi waxuu kalfadhigaa ka sheegay in xukuumaddaan hiigsigeeda uu  saldhig u yihiin Balanqaadyadii  iyo Barnaamijkii Xisbigu ku galay ololaha  iyo Qorshaha horumarinta Qaran ee labaad (NDPII).

Kulankaa  ugu horeeyey oo qaatay muddo saacado ah, wuxuu ahaa kulan isbarasho iyo is xog waraysi. Madaxwaynuhu wuxuu si gaara hoosta uga xariiqay muhiimadda ay leedahay Muwaadinimada wada jirka ummadda aynu masuulka ka nahay, isagoo Golaha faray in juhdi iyo dadaal midaysan loo galo sidii umadda loo midayn lahaa, loogana saari lahaa xanaftii ka dhalatay tartankii ololaha doorashada.

Haddaba, fadhigii koowaad ee uu yeesho golaha wasiirada cusub maanta oo ay taariikhdu tahay 16.12.2017, uuna shir Guddoominayey Madaxwaynuhu waxaa lagu go’aamiyey qodobadan soo socda:

1.      Waxaa dhamaan golaha lagu dhaariyey inay ilaashaan sirta golaha wasiirada  iyo ta qarankaba.

2.      In Golaha Wasiiradu ay diiwaan geliyaan dhammaan hantidooda (guurtada iyo maguurtadaba).

3.      In dhammaan Golaha wasiiradu ay keenaan xogta shaqsiga ah ee sharcigu waajibiyey ee   looga baahan yahay oo dhamays tiran.

4.      In la qabto kulano joogta ah oo la xidhiidha qaabka wada shaqaynta iyo xoojinta shaqada ay wasiiraduhu qaranka u hayaan.

5.      In dhammaan gobolada dalku ay u sinnaadaan caddaladda iyo horumarka.

6.      Maadaama ay wasiiradu yihiin masuuliyiin qaran loona igmaday xil qaran, waa inaan loo arag wasiir qolo, mid qoys iyo mid qabiil toona. Sidaas darteedna ay reeban tahay in Wasiiradu ay ka qayb galaan casuumado beelaysan oo Wasiirka ay beeshiisu  si gooniya ugu  maamuusayo

7.      In xafladaha xilwareejinta ee mas’uuliyiinta cusubi ay kala wareegayaal mas’uuliyiinta xukuumaddii hore ay reeban tahay in lagu qabto meel ka baxsan xarumaha dawladda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.