Kulan Xog-Ururin Ah oo ku Saabsan Abaaraha JSL ku soo noq-noqda Oo Lagu Qabtay Hargeysa

Hargeysa – (warsoor) – Waxa hotel maansoor ee magaalada Hargeysa lagu qabtay maanta kulan xog-ururin ah oo ku saabsan abaaraha oo uu qaban qaabiyay ururka is-xilqaamaha ah ee Dalsoor, kulankaasi oo xogta laga ururinaayay masuuliyiinta dawlada ee arrimahaasi ka shaqeeya.

Ugu horrayn waxa warbixin laga dhagaystay xog-hayaha gudida abaaraha heer qaran mudane mustafe cabdi c.laahi, kaasoo xaqiijiyay in dadka ku wax yeeloobay abaaraha ay yihiin ilaa 350 kun oo qoys, lacagta gurmadka ay u baahan yihiina uu yahay ilaa 126,000,000 oo doolar oo ah ilaa bisha Aprill, lacagtaasna ay ka hayaan ugu badnaan boqolkiiba 8% oo isugu jira lacag iyo alaababa, halka ay u hadhsan yihiin 92%.

Mudane Mustafe wuxuu sheegay in hayadaha samafalka ka shaqeeyaa ay intooda badan aanay la xidhiidhin gudida abaaraha, isagoo tilmaamay in shaqadoodu ay ku kooban tahay hawsha gurmadka oo aanay ka shaqayn hawlaha horumarinta iyo ka hor-tagga.

Dhankiisa gudoomiyaha hayada ka hortagga masiibooyinka dabiiciga ah ee NERAD mudane maxamed muuse cawaale ayaa sheegay in hayadiisu aanay hadda qaabilsanayn hawsha gurmadka, balse ay iyagu kaliya diyaariyaan daraasaadka iyo qorshayaasha horumarineed, isla markaana aanay qaabilsanayn fulinteeda, oo fulinteedu ay u taallo wasaaradaha kala duwan ee dalka.

Dhankeeda wasiirada wasaarada deegaanka JSL marwo Shukri Ismaaciil Baandare ayaa xaqiijisay inay qaabka aynu wali u waajahaynaa abaartu aanay ahayn qaabkii saxnaa, oo loo baahan yahay in wax badan laga badalo fahankeena ku saabsan abaaraha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.