Kulan looga hadlaayay Ammaanka Gobolka Bari oo la qabtay

GAROOWE – (WARSOOR) – Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Maxamed Cabdullaahi Cusmaan Majiino ayaa shir Guddoomiyay kulanka guud ee Amniga Gobalka Bari oo lagu qabtay xalay Xafiska Duqa Degmada Magaaladaas.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa warbixino kala duwan oo ku aadan dhinaca amniga Gobolka iyo Magaalada Boosaaso laga dhageystay Saraakiisha amniga, iyagoona ka warbixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee la sameeyay.

Taliayha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa waxaa uu sheegay in amniga Gobolka uu yahay mid wanaagsan, isla markaana laamaha ay ka shaqeynayaan sidii looga hortegi lahaa falalka amni darro ee xiliyada qaarkood dhaca.

Sidoo kale Taliye Xuseen Cali ayaa tilmaamay in laamaha amniga Magaalada Boosaaso iyo shacabka ay ka dhexeeyso wadashaqeyn, isla markaana la fuliyay amaradii dhawaan Taliska Booliska iyo Maamulka Gobolka ay kasoo saareen amniga Boosaaso.

Ugu dambeyn Saraakiisha ayaa u mahadceliyay Ciidanka Booliska iyo nabadsugida, waxaana lagula dardaarmay inay xoojiyaan howlaha sugida amniga, sidoo kalena shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amaanka Magaalada Boosaaso.