Kulan lagu xoojinayey xidhiidhka ka dhaxeeya Booliska dalalka Soomaaliya iyo Turkiga oo Muqdisho lagu qabtay

Muqdisho – (WARSOOR) – Kulan lagu xoojiyey xidhiidhka ka dhaxeeya Booliska Soomaaliya iyo Turkiga oo ay ka qeyb-galeen Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka dhacay maanta magaalada Muqdisho.

Kulankan oo lagu soo gabogabeynayey wada hadallo maalmahan u socday saraakiisha Booliska Soomaaliya iyo Turkiga, isla markana lagu sagootinayey wefdiga uu hoggaaminayey Taliye ku xigeenka Booliska Turkiga, ayaa waxaa goob-joog ka ahaa safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Wasiirka Amniga gudaha iyo Wasiirka Boostada iyo xubno kale.

Shirka inta uu socday waxaa loogu mahadceliyey dowladda Turkiga oo door weyn ka qaata dhismaha hey’adaha kala duwan ee dalka oo ay ciidanka ku jiraan.

Sii hayaha Taliyaha Booliska Soomaaliya Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa sheegay in u jeeddada ugu weyn ee hada wadalka saraakiisha Booliska Soomaaliya iyo Turkiga uu ahaa sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta labada dhinac.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale) ayaa uga mahadceliyey dowladda Turkiga dedaalka ay ciidanka Soomaaliyeed ku gacan siiyaan, dhowaan tababarro iyo qalabbeyn ay ku taageeri doonaan Hey’adaha amniga dalka.

Gabo-gabadii kulanka waxaa haddiyado Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaalida la Guddoonsiyey Taliye ku xigeenka Booliska Waddanka Turkiga oo socdaalkiisii Soomaaliya soo gabogabeeyey.

 

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.