Kulan Ay Caawa Madaxtooyada Ku Yeesheen Guddida Heer Qaran Ee Taakulaynta Abaaraha Somaliland Oo Qiimayn Iyo Qorshe fulin Leh Ku Soo Idlaaday

Hargeysa – (warsoor) – Guddida heer qaran ee taakulaynta  abaaraha Somaliland oo muddooyinkan ku hawlanaa sidii deeqaha  ka kooban raashinka  iyo biyaha  loo gaadhsiin lahaa dadka tabaalaysan ee abaaruhu sameeyeen ayaa caawa kulan xog waran iyo xoojin ah ku yeeshay qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

kulankan oo saacado badan qaatay ayaa xoogga lagu saaray sidii deeqaha raashinka iyo biyaha ka kooban loo gaadhsiin lahaa deegaamada ay abaarta ba’ani biyo iyo baad tirtay halkaas oo sidoo kale xogo khadka taleefanka (telephone) ah lagaga dhagaystay xaalada dhibta iyo heerka ay taagan tahay guddi hooseedyada taakulaynta abaaraha ee heer gobol.

Guddida oo mudooyinkii u dambeeyey  ku hawlanayd gaadhsiinta deeqda dawlada iyo muxsiniintu u hibaynayeen  walaalahooda taagta iyo tamarta daran ayaa goobta lagu xusay tirada baxday iyo inta qorshaysan ee maalmaha soo socda gaadhi doonna deegaamada abaartu diiratay.

dsc_0006

Waxaa sidoo kale dib loo eegay mudnaanta deegaamada maalmaha soo socda la gaadhsiinayo deeqaha  iyadoo laga eegayo dhinaca xaalada xaalufka.

ugu dambayn shirkan oo u gudoominaayey guddoomiyaha Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland ahna ku simaha gudoomiyaha Guddida heer qaran ee Abaaraha Somaliland, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi  ayaa ku soo xidhmay qorshe hor leh iyo fulin loo balamay waxaanay ku soo gunaanadeen duco iyo in ay Illaahay ummada u baryeen Naxariis biyo iyo  baad ba leh oo Deeqluhu ugu deeqo umaddiisa.

Wa-bilaahi Tawfiiq

Xafiiska Afhayeenka iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.