Kulan Afur ah oo lagu xusayay Munaasabadda 62 sano guuradii ka soo wareegtay Aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Turkiga – (WARSOOR) – Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arimaha Dibadda ee XFS Mudane Balal Maxamed Cismaan, Danjiraha Saafaaradda JFS ee Ankara Danjire Jaamac Cabdullaahi Maxamed Caydiid, Diblumaasiyiinta Safaaradda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ankara ayaa ka qeybgalay kulan Afur ah oo lagu xusayay Munaasabadda 62 sano guuradii ka soo wareegtay Aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. oo ay soo qaban qaabisay Safaaraadda Soomaaliya ee Ankara.