Ku Simaha Madaxweynaha Qaranka Somaliland Oo Sagaatiyey Dhallinyaro Tartan Dhinaca Orodka Ah Kaga Qaybgelaysa Dalka Jabuuti

Hargeysa – (warsoor) –Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku-simaha madaxweynaha, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa sagootiyey saddex dhallinyaro ah oo magaca dalka Jamhuuriyadda Somaliland kaga qaybgelaya tartan dhinaca orodka ah oo lagu qabanayo dalka Jabuuti.

Madaxweyne-ku-xigeenka, ayaa la dardaarmay dhallinyaradan tartanka ka qaybgelaysa, waxana uu ku dhiirrigeliyey inay maanka ku hayaan sidii ay guul ugu soo hoyn lahaayeen qarankooda, islamarkaana ay aaminaan inay rumayn karaan hammigooda ah inay tartankaas ka geli karaan kaalmaha hore.

Dhallinyaradan u amba-baxday tartanka ay kaga qayb-gelayaan dalka Jabuuti, ayaa kala ah Xamse Bade Macallin oo ka qaybgeli doona orodka 3000M (Saddexda kun ee mitir), Cismaan Cilmi Sheer oo ka qaybgeli doona orodka 5000M (Shanta kun ee mitir), Khaalid Xuseen Yuusuf oo ka qaybgeli doona orodka 800M (Siddeedda boqol ee mitir) iyo Mustafe Cabdiraxmaan Xaddi oo ah guddoomiyaha ciyaaraha fudud ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Wa-bilaahi Tawfiiq— 

Naasir Yuusuf DaahirDirector of the Presidential Media DepartmentHargeisa – Republic of Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.