Ku simaha Madaxweynaha JFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka UK

Muqdisho (warsoor) Guddoomiyaha golaha shacabka Ahna Ku Simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan  ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Amb David Concar.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee dalka gaar ahaan dhinacyada amniga, garsoorka, dib u eegista dastuurka iyo nidaamka doorasho ee Soomaaliya qaadatay ee ah hal qof iyo hal cod.

Sidoo kale waxa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dowladood iyo dardar gelinta howlaha muhiimka ah ee horyaalla golaha shacabka.

Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa Amb David Concar ugu warbixiyay guulaha uu gaaray golaha shacabka mudada uu xilka hayo iyo howlaha horyaalla.

“ Waxa maanta la kulmay Amb David Concar oo ah safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, waxa uu ii balan qaaday in dowladda Ingiriiska ay diyaar u tahay in golaha shacabka ay wax badan ka taageerto, kulankeena guul ayuu ku soo dhamaaday “ ayuu yiri guddoomiye Maxamed Mursal.

Safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Amb David Concar ayaa guddoomiyaha golaha shacabka kaga mahad celiyay soo dhaweynta uu u sameeyay.

Safiirka ayaa balan qaaday in qodobada ay ka wada hadleen la dhaqan galin doono oo wax badan ay ka taageeri doonaan dowladda Soomaaliya gaar ahaan golaha shacabka.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamada uu guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal uu ku dardar gelinayo howlaha golaha shacabka sidoo kalena lagu xoojinayo xiriirka dibadda ee golaha.

xigsho: Sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.