Kooxdaha Wasaaradda Warfaafinta Iyo Ciidanka Qaranaka Ee Gaashaan Oo Guulo Ka Gaadhay Ciyaarihii Galabta Ka Dhacay Garoonka Hargeysa Stadium

HARGEYSA – (WARSOOR) – Ciyaarta hore ayaa dhex martay kooxaha wasaaradaha warfaafinta iyo beeraha oo ka wada tirsan naadiyada heerka 2aad ee ka dhisan caasimada Hargeysa oo ahayd ciyaar labada kooxoodba ay soo bandhigeen ciyaar ku dhisan weerar iyo weerar celin ayaa wakhtigii loo qabtay ku dhamaatay 2 iyo 0, at guushu  ku raacday kooxda wasaaradda warfaafinta.

Geesta kale ciyaartii labadaad ayaa waxay dhexmartay kooxda wasaaradda caafimaadka iyo ciidanka qaranka ee Gaashaa, kuwaas oo ka wada tirsan naadiyada heerka 1aad ee ka dhisan caasimada Hargeysa.

Ciyaartaas oo ahayd mid xiiso badan ayaa waxay koox kastaa ay ku dadaalaysay inay babadis kala hiyato garoonka ayaa waxay ku soo dhammaatay 3 iyo 2, ay guushu ku raacday kooxda ciidanka qaranka ee Gaashaan.

Tartanka horyaalka naadiyada ka dhisan Caasimada Hargeysa oo ay soo qaban-qaabisay wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland ayaa si habsami ah uga socda garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium.