Kooxda Dawladda Islaamiga oo 11 Qof Ku Dhisay Baqdaad

Ciraaq – (warsoor) – Weerar loo adeegsaday Bam ayaa lagu qarxiyey warshadda ay leedahay dawladda oo soo saarta cuntadda waxaana ku dhintay in ku dhow 11 qof oo ay ku jiraan ciidamada Boolis ahi, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 21 qof.

Weerarkan oo maanta ka dhacay duleedka waqooyi ee magaalo madaxda Buqdaad. Weerarkayaa ayaa loo adeegsaday markii kowaad gaadhi bam lagu soo rakibay oo lagu dhuftay Albaabka laga galo warshadda, waxaa xigay gaadhi kale oo saaran yihiin lix nin oo hubaysan iyo qalab walxo qarxa waxaana halkaasi lagu beegsaday ciidamada Amaanka ee ku sugnaa warshadaasi.

Smoke rises from gas storage tanks after a bomb attack against a state-run cooking gas factory in Taji at Baghdad's northern outskirts, Iraq May 15, 2016. REUTERS/Thaier Al-Sudani
Smoke rises from gas storage tanks after a bomb attack against a state-run cooking gas factory in Taji at Baghdad’s northern outskirts, Iraq May 15, 2016. REUTERS/Thaier Al-Sudani

Afhayeen u hadlay taliyaha hawl-galinta Baqdaad ayaa sheegay in dab uu qabsatay saddex haamood oo kuwa kaydiga kaasta ah intii lagu jiray weerarka. Ciidamad amaanka ayaa ku guulaystay inay xakameeyaa weerarkaasi waxaanay xaaladda ku soo celiyeen sideedii caadiga ahayd.

Mid ka mid ah shaqaalaha warshadda ka shaqeeya oo dagan warshadda agteeda ayaa sheegay inuu maqlay qarax xoogan oo qiiq madow iyo olol watta oo ka kacay warshadda dhexdeeda.

Daraasiin ciidamada Booliska ah iyo kuwa milatariga oo ku gaashaaman baabuur ayaa dagaal iska caabin ah kala hortagay kooxdii weerarka soo qaaday, waxaanay qaadatay ku dhawaad saacad.

Wakaaladda wararka ee Amaq oo taageerta dagaalyahanada Dawladda Islaamiga ah ay sheegtay in dablaydaa weerarka gaysatay ay ka tirsan yihiin kooxda. ย Dablaydan jihaad doonka ah ayaa maamula galbeedka iyo waqooyiga Ciraaq, waxaanay todobaadadii ugu dambeeyey ay qaraxyo ku dileen in ka badan 100 qof.

Ra’iisal Wasaaraha Ciraaq Xaydar Al-cabaadi ayaa sabtidii sheegay in khilaafaadka siyaasadeed ee dalkaasi ka jira ay ka faa’iidaysatay kooxda Daacish, waxaanu sheegay in ay dawladiisu isku dayi doonto inay wax kaย  qabato weeraradda ay kooxdani ka gaysanayaa dhulka caadiga ah ee ay dawladdu xukunto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.