Koonfurta-suudaan oo Dagaalo Cusub Dib Cagaha Ula Gashay

Koonfurta-suudaan – (warsoor) – Sida uu afhayeenka madaxweynaha Koonfurta-suudaan u sheegay laanta BBC-da, Koonfurta-suudaan waxay dib ugu laabatay dagaal, waxaana ku dhintay boqolaal dad ah.

Sida ay ku andacoonayaa xoogaga daacadda u ah madaxwyene ku-xigeenka Koonfurta-suudaan Riek Machar, ciidamada dawladdda ayaa weeraro ku qaaday saldhigyadda Juba ay ku leeyihiin ciidamadda madaxweyne ku-xigeenka dalkaas.

South Sudan Violence
South Sudan Violence

Wasiirka Warfaafinta Koonfurta-suudaan Michael Makuei ayaa sheegay in dagaalkani yahay mid qaran-dumis ah.

Hawl-galka Qaramadda Midoobay ayaa faraha la soo galin dagaaladdan ka soo cusboonaaday koonfurta-suudaan waxanaay dhinacyadda isku haya ugu baaqeen inay kala gurtaan ciidamadda dagaalka isku haya.

Xoghaya Qaramadda Midoobay Ban Ki-moon ayaa cambaareeyey dagaalkan oo ugu yeedhay ‘Rabshadda macno-daro ah’.  Waxaan Golaha amaanka ee Qaramadda Midoobay ay maanta oo Axad ah ay xili dambe isugu yimaadeen kulan degdega oo lagaga wadda xaajoonaayo xaaladda Koonfurta-suudaan.

Xaaladda dalka Koonfurta-sudaan ayaa wali ah mid kacsan waxaana socda weeraro ay labadda dhinac ee kala taabacsan Madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenku isku waddaan, waxaana ka dhashay khasaare soo kala gaadhay labadda dhinac iyo shacabka.

Sida ay sheegayaan warbaahinta gudaha ee dalka Koonfurta-suudaan waxaa jimcihii dagaalka ku dhintay ugu yaraan ilaa 150 qof.  Khasaaraha weerarkana ayaa maanta oo Axad ah sii batay waxaana lagu qiyaasayaa dadka ku dhintay inay ka badan yihiin 271 qof.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.