Koomiishanka Maamul Wanaaga Qaranka Ee Somaliland Oo Bilaabay Qorshe Dabagal Iyo Baadhitaano Ay Ugu Sameynayaan Hay’addaha Dawladda

Hargeysa – warsoor) – Koomiishanka Maamul Wanaaga Qaranka ee Somaliland, ayaa  bilaabay qorshe ay Baadhitaano iyo dabagal ugu sameynayaan  Hay’addaha Madaxa banaan ee  qaranka Somaliland iyada oo la hubinaayo hanaanka maamul wanaaga iyo qaabka ay u shaqeeyaan si loo toosiyo wixii ka qaldan.

Gudoomiye Ku Xigeenka Koomishanka Maamul Wanaaga Somaliland Liibaan Ismaaciil Buraale, ayaa ka warbixiyey Qorshahan Xafiiska guddidoodu bilaabay ee ay baadhitaanka iyo dabagalka ku sameyn doonaan Hay’addaha Madaxa banaan ee qaranka Somaliland leeyahay iyo ujeedka ay dabagalka ugu sameynayaan oo ah sidii toosin iyo isla xisaabtan wixii ka qaldan ay Koomiishanka maamul wanaaga qaranku u soo saarilahaayeen.

Guddoomiye ku xigeen Liibaan Ismaaciil Buraale oo faahfaahinaaya qorshan ay guddidoodu bilawday iyo ujeedka ay uga dan leeyihiin waxa uu ku yidhi qoraalkan faahfaahsan.

Koomishanka Maamul wanaaga oo qaranka uga masuul ah baadhisaha maamul iyp toosinaha maamul, annaga oo ka duulayna taas waxa aanu saaka bilawnay baadhisaha hanaanka maamul ee hay’addaha madaxa banaan iyada oo aanu ka bilawnay koomishanka xakamaynta Aids’ka.

Bilawga hawshan ayaa ah in la ogaado

Waa sidee qaab shaqeedka gudaha ee hay’adda?

Ma jiraan awoodo aan daadagsanayn?

Ma leeyihiin xeerarkii mihiimka u ahaa shaqadooda?

Shaqaalaha waaxyuhu ma leeyihiin xil qeexadaha shaqo?

Hawl wadeenada hay’adahaasi aqoon ahaan ma la jaan qaadayaan waajibaadka hay’adda?

Waa noocee xidhiidhka shaqaalaha iyo maamulku?

Ma jiraan caqabado dabar ku ah shaqo gudashadooda?

Ma ka jiraan hay’adda dhexdeeda aarkiifiyo( filling system)?

Guud ahaan qaabka baadhista ah ayaa ah mid ku fadhida waydiimo dhamaystiran oo leh i tus oo i taabsii( questionair form)

Hawshan ayaa ah mid koomishanka Maamul wanaagu doonayo in lagu helo xog sax si gunaanadka hawshan loo helo xogta rasmiga ah ka dibna loo gudbo wajiga labaad oo ah tayaynta meelaha maamulku gaabiska ka noqdo.

Waxa aanay hawsha baashistani sii soconaysaa ilaa bisha labaad ee sanadka iyada oo guud ahaan la wada baadhi doono hay’addaha madax banaan ee dalka idamka Alle.

Gudoomiye Ku Xigeenka Koomishanka Maamul Wanaaga Somaliland Liibaan Ismaaciil Buraale

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.