Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo kulan la Yeeshay Wakiilka Midowga Yurub

HARGEYSA – (WARSOOR) – Komishanka Doorashooyinka dowlad goboleedka Somaliland ayaa maanta Xarunta Komishanka kulan Kula qaatay Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Ambassador Nicolas Berlanga, Waxayna Kawada Hadleen Qaabkii wanagsanayd ee ay u qabsoontay Doorashadii Iskusidkanayd Ee Goloyaasha Wakiilada iyo Degaanka .

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland C/rashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac) Ayaa midawga yurub uga mahad-naqay sida ay Somaliland uga taageeraan Doorashooyinkii Golaha Deegaanka Iyo Baarlamaanka .

Dhinaca kale Wakiilka ayaa Komishanka Doorashooyinka ku amaanay qaabkii ay u qabsoontay doorashadii Golayaasha Wakiilada iyo Degaanka.