Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland oo shaaciyay Liiskii kama dambaysta ah ee dadkii qaatay kaadhadhka codbixinta

HARGEYSA – (WARSOOR) – Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa shaaciyay inay soo saareen Liiskii kama dambaysta ahaa ee dadkii qaatay kaadhadhka codbixinta ee gobolada iyo degmiiyinka dalka.

Kulan ay wada qaateen gudida doorashooyinka qaranka iyo Xisbiyada qaranka ee ka qayb galaya doorashooyinka ayuu guddoomiye ku xigeenka Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland Mustafe Maxamed Daahir Ka sheegay in Liiskani yahay dadkii is diiwaan geliyay ee qaatay kaadhadhkoodii codbixinta balse aanay liiskaasi ku jirin dadkii hore isu diiwaan galiyay ee aan kaadhadhkooda doonnan. Iyadoo tira guud ee dadka codbixiyeyaasha ah ee gobolada iyo degmooyinku noqonayaan “Hal milyan shan iyo lixdan kun siddeed boqol iyo todoba iyo  afartan codbixiye”.

Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo Raac) ayaa sheegay in liiskan ay soo saareen gudida doorashooyinka qaranku uu noqon doono ka rasmiga ah ee lagu galayo doorashooyinka goleyaasha Wakiilada iyo deegaanka ee ku astaysan 31-may 2021 inay ka qabsoomaan dalka.