Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo ku Dhawaaqay in Madaxweynenimada Somaliland uu ku Guulaystay Mudane Muuse Biixi Cabdi

Hargeysa (warsoor )- Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland oo hadda ku dhawaaqay natiijada doorashadii Madaxtooyada ka dhacday dalka, ayaa shaaciyey inuu ku guulaystay Mudane, Muuse Biixi Cabdi oo noqday Madaxweynaha shanaad ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Md. Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo ka hka hadlayey madal Guddigu kaga dhawaaqday natiijada doorashadii Madaxtooyada ee ka qabsoontay dalka 13-kii bishan November 2017, waxa uu shaaciyey in murrashaxiintii xisbiga KULMIYE ee jagooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka – Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Eng. Cabdiraxmaan Ismaaciil Cabdillaahi (Saylici) ay ku guulaysteen doorashada oo ay heleen codadkii ugu badnaa ee muwaadiniinta reer Somaliland ay dhiibteen.

Komishanku waxay ku dhawaaqeen tirooyinka ay kala heleen saddexda xisbi qaran iyo murrashaxiintoodu oo kala ah sidanl;

Ø Xisbiga UCID waxa uu helay 23141, taas oo boqolay u dhiganta 4.17%

Ø Xisbiga KULMIYE waxa uu helay 305909, taasi oo boqolay u dhiganta 55.19%

Ø Xisbiga WADDANI waxa uu helay 226092, taas oo boqolay u dhiganta 40.73%.

Marka la kala jaro tirooyinka ay kala heleen labada xisbi ee KULMIYE iyo WADDANI waxa uu xisbiga KULMIYE dheeryahay oo guushu ku raacday codad tiradoodu dhan tahay 79,817 (toddobaatan iyo sagaal kun, siddeed boqol iyo toddoba iyo toban cod).

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.