Komishanka Doorashooyinka iyo Xisbiga Qaranka oo Kulan Yeeshay

Hargeysa – (warsoor) – Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta oo Sabti ah kulan la yeeshay saddexda xisbi qaran ee Somaliland, waxaana u soo bandhigay qorsha qaybinta qaadhadhka codbixinta.

Afhayeenka xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE Xasan Gaafaadhi oo kulankan markii uu soo dhamaatay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in komishkan doorashooyinku ay uga warbixiyeen diyaar garowgooda iyo waxa u diyaarka ah, waxaanu ay sheegeen in komishanka doorashadu ay gaadhka ugu horeeya gayn doonaan labadda gobol ee ugu horeeya 21 January 2017.

Xoghayaha fulinta ee xisbiga WADDANI Maxamed Uur-cadde oo isna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in komishanka doorashooyinku ay soo kormeereen goboladda dalka waxaanu sheegay in abaartu ay ku kala daran tahay goboladda, waxaanay guddidu u qaybiyeen goboladda dalka saddex nooc, kuwo abaartu daran tahay, kuwo dhex dhexaad ah iyo mid iska dhexdhexaad ah.

Xoghayaha fulinta ee xisbiga UCID Mustafe Qodax oo warbaahinta la hadlay ayaa isna sheegay in komishanka doorashooyinku ay warbixin ka siiyeen hawlaha u qabsoomay iyo hawlaha hadda ay wadaan ee u diyaar-garowga doorashadda madaxweynenimada Somaliland, oo uu sheegay in ay hadda wadaan daabacaadii kaadhadhka codbixinta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.