Khudbaddii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Ka Jeediyey Qalin-jebinta Jaamacadda Hargeysa

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ka qaybgalay qalin-jebinta dufcadii 16aad ee ka baxda Jaamacadda Hargeysa ayaa yidhi “ardayda, Jaamacada iyo Macalimiinta waalidiinta Wasaaradda Waxbrashada iyo qarankaba waxaan ku hambalyeynaya guusha maanta Somaliland gaadhay ee tirada intaa leeg oo wax baratay maanta ay qalin jabinayaan, hambalyadiina aad iyo aad baan ugu faraxsanahay waanan ku faanaynaa waanan ku dhaadanaynaa”.

Waxaanu Madaxweynuhu khudbadiisa ku xusay oo uu yidhi “waxaan si gaara usii tahniyadaynayaa odayaasha da’ada ah ee maanta Master ka qaatay Jaamacada oo waliba qodobkii loo baahnaa qaatay ee xalinta khilaafaadka oo innagu badnaa waa Ilaahay mahadii oo waan u baahnayn, iyaga waa qolada ugu horaysa ee shaqo la siinayo.

Waxaan u mahadnaqayaa dadka kasoo qeyb-galay halkan qof walba meeqaamkiisaan ugu mahadnaqayaa iyo xilka uu hayo, waxaan si gaara ugu mahadnaqayaa martida debedaha inooga timi ee uu ka mid yahay madaxweynaha Jaamacada Mekkele University, madaxda ka socota Jaamacada Jigjiga iyo Wakiilka Ingiriiska  u fadhiya halkan iyo cidii kale ee martiya ee inoo timiba aad iyo aad baan ugu mahad naqayaa inay inagala soo qeyb galeen.

 Iftiimin: Ardayda wixii la dardaari lahaa iyo wixii la odhan lahaaba waxaan ku raacsanahay dadkii hore intay yidhaahdeen oo uu ugu horeeyey Gudoomiyaha Jaamacada Hargeysa halkii uu dhigay baan dhigay Allena haydinku anfaco.

Madaxweynaha oo khudbadiisa ku guda jira ayaa yidhi “waxaa maanta inoo farxad ah oo waa cusub oo inoo baryey ah oo in lagu farxo ay tahay oo markii koobaad ah, dadkii maanta halkan ka hadlay sida ay u hadleen inay isku yuhuun isku mid iyo isku qawl ahaayeen, hore waxaynu u naqaanay fagaarayaashan halkan oo ninkii Jaamacada u hayey ee qaybinaayey hadalka uu aad uga sii baqaayey oo uu ka dardaaray  waa goob waxbarasho qolada xisbiyadu siyaasada inaga ilaaliya , waxaan aad ugu faraxsanahay qoladayadii siyaasada xukuumad iyo xisbiyaba inaanu ku dayanay jaamacadu siday wax u maamushay akhlaaqdeedii oo aanu maanta heer qaran u wada hadalnay, iyana waa tababar aanu jaamacadiina ka baranay ee aad iyo aad baan idiinku hambalyeynayaa.

halkii ay maanta xisbiyada mucaaridku dhigeen waxay ahayd meel cusub sidaa ay qaranka ugu dhawreen ayaan ugu dul qaadanay oo aanu ula mid nahay, mid baanse kusii darayaa qof walba oo hadlay wuxuu ku hadal qabsaday Madaxweyne adaa u oday ah waa ogolnahay, dadka waxaan u sheegayaa waayahan danbe waxaa laga sasaa oo inagu soo kordhay oo caalamka oo dhanba dhibaaya dadka oo la siiyey Isgaadhsiin ama miidhiyaha dadka oo dhan wada gaadha oo qof waliba isaga oo halkan jooga wuxuu doono uu ku hadlo, adduunka oo dhan bay dhibaysaa dhaqan oo dhan bay dhibaysaa, dhaqan oo dhan bay jiidhay, diin oo dhan bay jiidhay, xuduudkoo dhan bay jiidhay waa hawl caalamka oo dhan kusoo korodhay innaguna taa waan la wadaagnaa.

Markaa dadka ka hadla ee kasoo baxa, qof talinaya oo talo fiican leh waayo arag khibrad leh mid xadiis akhiyaaya, mid sammaan akhiyaaya, mid shaydaaniya mid waliba uu kusoo gelaayo inta dhibaatada xageena ka abuurta wax xun tidhaahda, inta wax canaanaysa, inta wax dhaliilaysa, inta wax maagaysaa anigay i maagtaa waanay ku mahadsan yihiin waayo annigu qarankaan matelaa intiinaas oodhan baan matelaa, markaa kii Somaliland maagayaa aniguu imaagaa kii cadhoodaa aniguu igu burburaa, anigu maadaama aan dadka intii badnayd wanaaga iyo samaha ka talinayso, ka qaldan waan u dul qaadanaynaa waa saxaynaa, waa waaninaynaa, haddii loo taag waayo oo uu fidmo wado dadka waan ka qabanaynaa inta kalebase wuxuu xaq u leeyahay in la dhegaysto, kii talo soo jeediya waan dhageysanayaa, ka idhaliilana ee wax runna soo jeediya waan u mahadnaqayaa waayo wuu i toosiyey, ka i maagana waan u ducaynayaa in ilaahay soo hadeeyo, markaa qof talo soo jeediya haddii la yidhaahdo taladaada tanaa ka toosan, ileen aniga intaa hadlaysa oo dhami talo iyo waano ayey ii jeedinaysaaye, waxaa layga rabaa tu dhex ah oo qofkaasi wuxuu doonayo iyo ka kasoo horjeeda wuxuu doonayo labada dhexdooda wixii ay isku raaci karayaan inaan helo, hadduu mid waliba yidhaahdo tayda ii yeel ma  soconayso taa aynu ogaano.

Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay inay maanta Xisbiyada qaranku meel wacan soo dhigeen, ta labad Sooshiyaal Miidhiyaha (Social Media) dhibaatadiisaa waan u adkaysanaynaa, dhalinyarada, dadweynaha dhibaato maanta weyn oo Somaliland dhex taallaa ma jirto, Sooshiyaal Miidhiyaha dadka ka hadlayaa waa waxaa adduunka oo dhan lagu sii daayey inta nololi jirto khilaaf wuu  jirayaa inta dawladdi jirto Mucaarid wuu jirayaa, inta maamul la wado dhaliil waa jiraysaa, Ilaahay (SWT) uun baa Kaamil ah oo wuxuu sheega uu dhanyahay binu-aadamka wixiisu waa qabyo mar walba sidaasaynu ugu khilaafaad yarnahayba, sidaasaynu labaatan sanno kusoo waddnay, hal ceeb bay Somaliland leedahay markay hadlayso waxba u tudhi mayso wax walba way sii daysaa  markay hadasho laftay jebisaa, cadowgu wuxuu moodaa inay Somaliland is dilayso oo ay baa’aday way ku lugo’ayaan siday xisbiyadii hore sheegeen, hadal kulul waan leenahay laakiin qalbigaynu ka midaysan nahay haddaanu Somaliland nahay oo qarankaanu daafacaynaa.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu khudbadiisa ku soo qaaday arrinta doorashada oo uu ka yidhi “qodobka doorashada xaaladiisu meel wacan bay maraysaa shalay xisbiyada waanu isu nimi arrintii aad baanu usoo dhadhaweynay waxyaalaha ay ka cabanayeen waxaa kamida arrinta Baarlamaankaan dood gelinta sharciga, waxaan ka codsaday inay dul qaataan oo maanta aanay wakhtiga inagaga lumin dood sharci waanan filayaa inay iga aqbali doonaan iyaga iyo taageerayaashooduba.

Mar uu madaxweynuhu ka hadlay khilaafaadka dhexdeena waxa uu yidhi “Khilaafaadka dhexdeena ah ee dhinac walba jirana waa loo talo badsanayaa dadkuna waa dhegaysanayaa halka dhexaynu isugu imanaynaa kuna dhamayn doonaa wax walba insha allaah, anigana waxaa iga go’an inaan wax walba nabad iyo dulqaad iyo wada hadal iyo isu tanaasul ku dhameeyo .

Midna waan idinku bushaaraynaya dadweynaha iyo dhalinyaradaba da’adaa aan ahay intii badnayd mucaarid baan ahaa 40 sanno ragg baan maagayey, xukuumad baan maagayey sideebaan u didaa in maanta lay maago lay tuur tuuro lay arbusho waan soo dhaweynayaa laakiin waxaan leeyahay waar xadhiga ha jebinina anigu xadhiga maan jebin jirine, mucaaridkana intaas uun baan leeyahay Somaliland waxaan u rajaynaya guul iyo gobanimo.

Ugu danbayntiina waxa uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ka hadlay siyaasadda arrimaha dibeda Somaliland waxaanu yidhi “Arrimaha dibada Caalamka oo dhan cid walba jaarkeena iyo ku fogba nabad iskaashi iyo isqadarin baanu ugu baaqaynaa, qolada wax inaga dhaxeeyaan maanta aad ayeynu isugu qasanahay oo arrinteenu aad u kala fogtahay Soomaliya, dawladda Xamar ka talisa saddex qodob baanu u sheegaynaa oo qof walba oo Somaliland ah uu halkaa gowska u qabsanayaa.

Walaaladeen dad baynu isugu xignaa isku af baynu nahay, isku diin baynu nahay isku dhaqan baynu nahay, markii Shanta la aas-aasayey annagaa ugu horaynay Hargeysa ayaa laga aas-aasay nin waliba waa ka makhraati lama diidayo, odayaashii aas-aasay ee xoogoogii iyo caqligoodii ku bixiyey  aabayaashayo awoowyaashood toodii baanu doonaynaa inaanu raacno.

Lixdankii baynu midownay bishii July innagoo labada dowladdood ah oo siman oo caalamku ictiraafsan yahay 30 sannaynu mid ahayn way inaga duntay 1991-kii oo waa lagu kala tegay, qoladaa Soomaaliya wadday qaadatay ay wax ku dhisatay, Faderaal bay qaadatay Gobollo Madaxweynayaal samaysatay, Baarlamaan baa wax u doorta Innaguna waddo kalaynu qaadanay, 1991-kii baynu heshiinay wixii dagaal ina dhex maray waxaynu ka noqonay xalay dhalay, Baarlamaan baynu dhisanay doorasho coda baynu galnay Jamhuuriyad baynu qaadanay siistamkeena iyo maamulkooda soddon kaa sanno waligood isumay iman Caalamku si ay u dhacdayba wuxuu ictiraafay tii koonfurta, teenii caalamku muu ictifaarin, Walaaladeen waxaynu ka sugaynay oo gartu inay iyagu runta bilaabaan oo ay yidhaahdaan laba dawladood baanu ahayn imikana laba waddan baanu kala qaadanay haddaad na ictiraafteen walaaladayna ictiraafkooda siiya annagaa heshiin doone laakiin way ka qaldantay ragga halkaa jooga maanta.

ALLAA MAHAD LEH 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.