Khilaafka Deni Iyo Axmed Karaash Oo Meel Adag Gaaray iyo Ciidamo la Isku Adeegsaday

Puntland – (WARSOOR) – Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland ayaa lagu xoojiyey xarumaha Wasaaradaha Maaliyadda, Arrimaha Gudaha iyo Amniga oo dhawaan Wasiiradooda xilka qaadis uu ku sameeyey kusimaha Madaxweynaha Puntland Axmed Karaash.

Warar xog ogaal ah ayaa xaqiijiyey in ciidamadan ay yihiin kuwo si toos ah uga amar qaadanaya masuuliyiintii xilka qaadista lagu sameeyey.

Culeysyada Ciidan ee xarumaha kusoo kordhay waxay sababtay in maanta fasax la geliyey shaqaalaha xarumahaa qaybtood.

Talaabada ciidamada dheeriga ah lagu geeyey Wasaaradahan ayaa la sheegay in looga hortagayo in xafiisyadaa ay u shaqa tagaan masuuliyiinta uu Axmed Karaash xilalka u magacaabay.

Axmed Karaash ayaa dedaal ku bixinayo sidii ay u shaqo geli lahaayeen wareegtadiisuna u dhaqan geli laheyd.

Wasiirada uu Axmed Karaash ka qaaday xilalka ayaa la sheegaa iney yihiin kuwii ugu awooda badnaa Maamulka Puntland, si weyna jaal ula ahaa Madaxweyne Deni oo Muqdisho u jooga haatan ololihiisa doorashada Madaxweynaha.

Axmed karasah ayaa beegsaday sadexda wasiir ka dib markii ay iska dhegatireen amar uu ku siiyey iney xilalka u kala wareejiyaan agaasimayaal cusub oo lagu bedelay kuwo xilalka laga qaaday.

Khilaafka Axmed Karaash iyo Deni oo meel adag maraya ayaa masuuliyiin ka tirsan Puntland waxay sheegayaan iney ku lug leedahay Villa Somalia.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Puntland, Avv. Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan ayaa rajo xumo ka muujiyey dadaalo lagu doonayey in lagu soo afjaro khilaafka u dhaxeeyo Deni iyo karaash.

Avv. Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan ayaa Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ku eedeeyey inuu fashiliyey dadaalo uu waday Baarlamaanka oo la iskugu soo dhoweyn lahaa labada masuul ka dib markii uu xilalka ka qaaday sadex wasiir taasoo uu xusay iney sii adkeysay khilaafkii taagnaa.