Khasaaraha Ka Dhashay Roobab Duufaano Watta oo Ku Dhuftay Gobolka Awdal

Boorama – (warsoor) – Roobab duufaano watta ayaa ka da’ay deegaano ku yaala gobolka Awdal, roobabkan ayaa geestay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed. Tiradda dadka ku dhintay Roobab ayaa gaadhaysa 14 qof inta la ogyahay, sida uu sheegay badhasaabka Gobolka Awdal.

Badhasaabka Gobolka Awdal Muddane Cabdiraxmaan Axmed Cali ayaa kulan degdeg ah isku yeedhay maamulka gobolka, si looga wadda xaajoodo xaalad ka taagan guga iyo sidoo gargaar bani’aadanimo loogu fidin lahaa dadka ay roobabku waxyeeladda soo gaadhsiiyeen.

“Gobolka sida Lughaya iyo Bakki wuu ka da’ay, dhibaatadu ka kala yaraatee dhibaatona uu geystay. Xoolihii oo aad u riiqmay, dhimashada xooluhu aad bay u badatay iyo dhimashada dadku runtii labadaa degmo ilaa hadda dhimashadu waxay maraysaa 14 ruux”, sidaasi waxaaa yidhi Badhasaab Cabdiraxmaan.

Roobabka duufaanadda watta ayaa deegaano hoos yimaada gobolka Awdal khasaare gaadhsiiyey xoolo badan iyo beero badan. Roobaban ayaa sidoo kale qaaday gaadiid balse wax khasaare.

Badhasaabka gobolka Awdal ayaa sheegay in deegaano badan ayaa wax war ah laga helay, khasaaraha soo gaadhanay aan hadda la garan Karin.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.