Kalluunku Waa Cuntada ugu Wanaagsan ee Caafimaadka Aadamaha

Cunitaanka kalluunka todobaadkii laba jeer waxay ka caawisaa qofka ama bani’aadamkaba ilaalinta caafimaadka wadnaha, dhismaha maskaxda, caafimaadka kelyaha, hanaanka wareegga dhiiga, hab-dhiska difaaca jidhka, ilkaha, maqaarka. Sidoo kale wuxuu ku qayb qaataa deganaanshaha nafsiyanka ah, markastana waa wax uu jidhkaagu u baahan yahay inaad isticmaasho cuntada badda.

Kalluunku wuxuu leeyahay barotiin ku yar cuntooyinka kale, dabiiciyan wuxuu hoos u dhigaa subaga dhiiga, taasoo caafimaad ahaan wax aad u muhiima ah.

Khubaro dhinaca caafimaadka aad ugu xeel-dheer ayaa aaminsan in isticmaalka kalluunku uu ka hortago xanuunnada aan dawada lahayn ama maareyntoodu ay adag tahay. Sidoo kale daraasado badan oo laga sameeyay adduunka ayaa muujinaya waxtarka baaxadda leh ee kalluunka iyo saliiddiisaba.

Ururka caafimaadka wadnaha ee dalka Mareykanka (American Heart Association) ayaa ku talinaya in todobaadkii laba jeer la isticmaalo kalluunka, taasoo ay ku sababeeyeen inuu u dhigo khatarta wadne xanuunka iyo dhiig-karka.

Dhinaca kale, ururrada caafimaadka sida ururka ka hortaga macaanka ee Mareykanka (American Diabetes Association) ayaa iyaguna la qaba taladii hore in todobaadkii laba ama saddex jeer la cunno kalluunka, waxaanay ku dooddeen inuu kalluunku ka mid yahay tobanka cunto ee ka hortaga cudurka macaanka, waxaana sidoo kale jira daraasado iyo cilmi-baadhiso kale oo badan oo ku raacsan ururradan faa’iidada caafimaad ee kalluunka.