Kalfadhigii 76aad Ee Golaha Guurtida Oo Maanta U Furmay Golahaas

Hargeysa – (WARSOOR) – Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan uu ka warbixiyey xaalada guud Dalka.

Fadhigii maanta Ee Golaha Guurtida Somaliland oo uu shirgudoominaayey gudoomiyaha golahaasi Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa mudanayaasha golahaasi ku wargaliyey in guddi ka socota golaha guurtida Somaliland ay ka shirgudoon ahaan u diri doonaan ceel afweyn, halka uu sidoo kalena gudoomiyuhu uu xusay in ay arrintaasi xukumada kala tashan doonaan.

Dhankiisana Xildhibaan Cabdikariim Sh. Cumar oo ka tirsan mudanayaasha golaha guurtida Somaliland ayaa Madaxweynaha Qaranka Somaliland ku bogaadiyey isku shaandheyntii u uku sameeyey golihiisa wasiirada, iyadoo mudanuhu uu kula dardaarmay masuuliyiintii hore in ay la shaqeeyaan masuuliyiinta cusub.