Kala Duwanaanta Dacwadii Cabdiraxmaan Talyane (AHN), Dacwadii Mudanayaasha Golaha Deegaanka Gabiley iyo Dacwada Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Xeer Lr 14

Baraha bulshada ama warbaahinta kale waxaad arkaysaa dad arrimo ama dacwado aan is khusayn tusaale u soo qaadanaya, iyada oo ay muuqanayso in aan indho aqooneed iyo mid taxliilin ba aanay la socon.
Haddaba si aynu u kala fahano saddexda arrimood ee aan ciwaanka ku xusay ee Dacwadii Talyane ( AHN) ee doorashadii gudoomiyaha Golaha Wakiilada, Dacwadii Mudanayaasha Golaha Deegaanku u gudbiyeen Maxkamada Sare, iyo tan ay maanta Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiiladu u gudbiyeen Maxkamada Sare, waa in aynu fahanaa Maxkamada Sare maxay qabataa.

Sida uu Dhigayo Qodobka 98 aad, Farqadiisa koobaad , xarifihiisa B,T,J ee Dastuurku wuxuu odhanayaa

  1. Garsoorku waxa uu awood gaar ah u leeyahay:
    B. In uu Fasiro micnaha xeerarka ka soo baxa Golayaasha dastuuriga ah iyo xeerarka Degdega ah iyada oo loo raacayo Dastuurka.
    T. Inuu ka garsooro khilaafka ka dhex abuurma laamaha dawladda oo dhinac ah iyo xubno ka tirsan dadweynaha oo dhinac ah ama dadweynaha dhexdooda.
    J. Inuu ka taliyo muran kasta oo la xidhiidha waafaqsanaanta Dastuurka.

Awoodaha maxkamada Dastuuriga ahna waxa faahfaahinaya qodobad 15-aad ee xeerka Nidaamka Garsoorka ee xeer Lr- 24/2003
Sidaas darteed marka ay timaado ka garnaqa dacwaduhu sideedaba maxkamaduhu waxa ay ka garnaqaan waa dulucda dacwada taas oo ah dhinacyadu dacwada ay soo gudbiyeen.
Marka aad milicsato qaraarka ay maxkamada sare ka soo saartay dacwadii Cabdiraxmaan Talyane (AHN) ee ku taariikhaysanaa 12/08/2017-kii waxa ay u cuskatay in aannu arrinka Doorashada Shir gudoonku ahayn dacwad dastuuri ah ee ay tahay doorasho xeer hoosaadka golaha khusaysa isla markaana ah arrinku yahay mid golaha dhexdiisa ah.

Sideedana mid xasuusnoow in doorashooyinka Dastuuriga ah uun ay maxkamadu ka garnaqdo marka ay arrimaha doorashooyinka timaado.

Qaraarka labaad ee arrinta mudanayaasha Gabiley sida ay qaraarka maxakada sare u cuskatay wuxuu ahaa racfaan ay ka soo racfaan qaateen mudanayaashu wareegtadii Wasiirka Arrimaha Gudaha taas oo aan gaar u ahayn golaha deegaanka Gabiley balse golayaasha deegaanka Dalka oo dhan Khusaysay waxaana maxkamadu qaraarkeeda u cuskatay in aan racfaankaasi wareegtadu gaar u ahayn golaha deegaanka gabiley ka racfaan qaadashadoodana aanay golayaasha deegaanka ee dalka ku matali karin gaar ahaantoodu, taas aanay dacwad golahooda gaar u ah aanay maxkamada u gudbinin , waxaanad ogsoonaataa in aanay maxkamadana ka garniqin dacwada aan ahayn ta hor taal ee looga soo dacwooday.

Haddaba arrinta kaabista iyo wax ka badalka xeerka Nidaamka Ururrada iyo Asxaabta Siyaasadda ee xeer Lr 14/2021, waayahanba kala aragti duwanaantiisu golaha wakiilada ka socotay isla markaana maanta xildhibaanadu u soo gudbiyeen Maxkamada Sare ahna Maxkamada dastuuriga ahi, maaha xeer qabyo qoraal ah balse waa xeer jira Wuxuuna la xidhiidhaa doodiisu miyuu dhaqal galay xeerkaasi mise ma dhaqan galin? waxaana sida uu xeer ku dhaqan galo timaamaya Qodobka 78-aad ee Dastuurka, sidaas darteed haddii muran sharci oo Dastuuri ahi yimaado waxa awood u leh ka garniqistiisa Maxkamada Sare ahna Maxkamada Dastuuriga ah sida ku cad Qodobka 98-aad ee dastuurka xarafkiisa J, Inuu ka taliyo muran kasta oo la xidhiidha waafaqsanaanta Dastuurka.

Sida oo kale sida ku cad qodobka 15-aad ee xeerka Nidaamka Garsoorka ee xeer Lr- 24/2003 farqadiisa 11 aad oo u dhigan , Maxkamada Dastuuriga ahi waxa ay ka talisaa muran kasta oo la xidhiidha waafaqsanaanta Dastuurka oo ay laba dhinac isku hayaan.
Sidaas darteed dacwadaha la is barbar dhigayaa isma khuseeyaan wixii qaraar ee mid walba laga soo saarayna waxa loo cuskaday waa dulucda ay dacwadaasi ku timid tan xeer 14/2021 waa mid dastuuri ah oo ka duwan labadaas dacwadood ee Tanyale (AHN) iyo Tii Mudanayaasha Golaha deegaanka Gabiley oo iyagu la xidhiidhaya Arrimo maamul.

Marka ay dacwadaha dastuuriga ah timaado qolyaha ku hal qabsanaya gudoomiyaha Maxkamada Sare waa in ay ogaadaan dacwada Dastuuriga ah in aannu gudoomiye iyo Garsoore toona qaadin qaraarna ka soo saarin ee ay ee ay tahay tashi dhammaan garsoorayaasha Maxkamada Sare oo uu gudoomiyuhu ku jiro ( Full Bench).

guud ahaan isbarbar dhigyadaasi waa kuwo aan is lahayn oo dulucda dacwadahaasi waa kuwo kala duwan tan imikuna waa arrin dastuuri ah oo habka loo marayaana yahay hab dastuuri ah.

Gunaanadkii waxa aan madmadow ku jirin ayaa ah kaabista iyo wax ka badalka lagu sameeyay xeer Lr. 14/2021 mid ka gudbay tallaabooyinkii xeer dajineed sidaas darteed na uu dhaqan galay, qolyaha ku doodaya xeer gole horyaal maxkamadi ma ka garniqi karaysaana waa in ay fahmaan in aannu xeerkani gole hor oolin ee uu yahay mid ka gudbay tallaabooyinkii xeer dajineed marka ay doodaasi timadaana uu yahay muddada uu xeer ku jiro qabyo qoraalka ee aanay u dhammaan tallaabooyinkiisu.

Waxa qoray: Liibaan Ismaaciil