Kal-fadhigii 28-aad Ee Golaha wasiirradda Somaliland Oo Maanta Lagaga Dooday Arrinta Saami-Qaybsiga Wakiillada Iyo Diyaar-Garowga Doorashooyinka

Hargeysa – (warsoor) – Kal-fadhigii 28-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ayaa shirkii khamiista, lagaga dooday arrinta saami-qaybsiga kuraasta wakiillada iyo diyaar-garowga doorashooyinka.

Kalfadhigan golaha wasiiradda waxa warbiximo lagaga dhegeystay wasiirrada wasaaradaha diinta iyo aw-qaafta, arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah iyo Ganacsiga, Wershadaha iyo dalxiiska, waxaanay ka warb-bixiyey qorsheyaasha horumarineed ee wasaaradahooda.

Golaha wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay dood-dheer ka yeesheen, saami-qaybsiga kuraasta golaha wakiilladda Somaliland, waxaana doodaasi diiradda lagu saaray sidii saamiga wakiilada looga gun-gaadhi lahaa, isla markaana loogu diyaar garoobi lahaa qabsoomidda doorashooyinka, iyadoo madaxweynuhu u saaray  xubno guddi golaha wasiirada ah oo ka soo talo bixiya, inkasta oo ay arrinta saami-qaybsiga wakiilladu hortaallo golaha wakiilladda ee wakhigan fadhiya.

 Ugu dambayntii waxa ay golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland caddeeyeen inay xukuumad ahaan   ka go’an tahay qabsoomidda doorashooyinka oo xilligooda ku dhaca.

ALLAA MAHAD LEH

 Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.