Kaalinta Soomaaliya ay ka gashay tartanka orodka Japan

Cali Iidow oo Soomaaliya ku matalayay tartanka orodka ee olimbikada ee ka socda Tokyo dalka Japan ayaa galay kaalinta 10-aad.

Wuxuu ku tartamayay 1500 M ee tartanka orodka, wuxuu ku orday saddex saacadood 43 daqiiqo iyo.96 ilbiriqsi.

Halka Suleymaan Ayaanle oo u ordaya Jabuuti uu gudbay wareegga labaad ee tartanka, waxaana la filayaa in Khamiista uu ka qeybgalo wareegga labaad ee tartanka.

Waxaa dhawaan guuldareysatay Ramli Cali oo Soomaaliya ku mataleysay tartanka feerka kadib markii ay ka badisay gabadh oo u dhalatay dalka Romania.