Ka Qayb-galka Shirka Jabuuti iyo Shuruucda Inooga Yaala

Waqtigii Dawladii Madaxweyne Siilaanyo Golayaasha Baarlamaanku Somaliland waxay Xukumadii waqtigaa jirtay u fasaxeen in ay wada hadal wafaqsan Dastuurka Somaliland la bilaabi karto Dawalada Somalia, taasoo aynu u aragnay in ay ku jiri karto danta guud ee qaranku. 

Ka dib Go’aankaas Gole,  Dawladii madaxweyne Siilaanyo kulamo dhawra bay la gashay dawladahii kala danbeeyey ee Somalia, Walaw ay dhamaantood fashilmeen.

Kulankan Dawaladan Muuse Bixi ay maanta kula  bilawday wadahadalka  Federaalka Somaliya dalka Jabuuti waxba kama duwana shirarkii dawladii Madaxweyne Siilaanyo la gashay Dawaldahii Somalia, Waxaanay waafaqsantahay go’aamadii iyo sharciyadii Golayaasha qaranku ka soo saareen horena loogu dhaqmay.

DAREENKA SHACABKA REER SOMALILAND EE KU JIHAYSNAA SHIRKA 

Su’aalaha ugu badan ee shacabkeena qaar ka mid ahi ay is waydiinayeen waxaa ka mid ahaa

•  Maxaynu kala kulmaynaa dawlad dhawr bilood u hadhay? 

• Maxaynu ka horfadhiisanaynaa dawlad saddex sanadood inala dagaalamaysay oo aan waxba inoola hadhin?

• Maxaynu usugi waynay in aynu wada hadalka la bilawno dawladda ka dhalan doonta Muqdisho sanad dabbadeed?

Runtii waxaynu isku wada raacsannahy Muxaafid iyo Mucaaridba in ay danta qaranku ku jiri karto wada hadalka aynu Somalia la galo, waxaa kaloo aynu goosanay in aynu ku garnaqsano MADAL ay fadhiyan dawaladaha addunyada ugu waawayn iyo kuwa Jaarkeenuba, taasoo ah codsi xageena ka yimid ahayd.

Waxaa guula in ay Dawaladahii waawaynaa aqbaleen codsigeenii, suurta gashayna in ay ina yiraahdaan soo fadhiista waqtigaas iyo madashaas, waxan filayaa in aanay meesha ku jirin in aynu codsigeenii diidno. 

Waxaan kaloo shacabka u sheegayaa in aanay Xukumadeenu u muuqanayn Farmaajo iyo dawladdiisa laakiin ay u muuqato GOLE WAYNAHA aynu ku garnaqsanayno iyo garta aynu addunyada u bandhigayno.

Waxaa mudan oo muhiima in shacabka reer Somaliland xasuusnaadaan in Madaxweyne kastoo Somaliland yimaada shir kastoo u galo uu umada ku metelo dastuurka iyo waxa uu shacabkiisu ku heeshiiyey isla markaana aanay dhici Karin in arrimaha Muqadaska ah sida Gooni isutaaga Somalilnad aanu waxba keligii ka bedeli karin, sidaas darteed Waxaa Muqadas ah in shacabku ku kalsoonaado awoodaha uu dastuurkoodu siiyey in aanay madaxdoodu ka qaadi Karin.

GARNAQSIGII MADAXWEYNAHA IYO MADASHII MAANTA

Ugu danbayn waxaan Madaxweyna Soomaliland ku bogaadinayaa shucuurtii iyo isku kalsoonidii uu maanta madasha ku soo bandhigay dareenkii shacabkiisa oo dhamaystiran, waxaan qabaa Muwaadiniintii werwerku ka muuqday maalmihii ina soo dhaafay in uu ka qanciyey una yiri waxay doonayeen taasoo aan qabo in ay wax wayn ka bedeshay dawladahii waawaynaa ee madasha fadhiyey. Guusha aynu maanta madasha ku gaadhnay waxaa ka mida

•U quus-goyn madaxdii Somalia iyo Midnimadii ay u soo diyaar 

garoobeen qareenadana ay u soo kaxaysteen.

•Balamahii ay ka baxeen madaxda Somalia shirarkii hore oo ay ka jawaabi kari waayeeen

•Madaxdii Maraykanka iyo Ethiopia oo dib u fadhiistay

•Madaxdii Afrikaanka aynaan jaarka ahayn oo fahmay in Somaliland 60 sano horteed 30 dawladood Ictiraafeen oo aaany hore u ogaynba

•Madaxdii Yurub oo aad u dhegaystay waxay hore u ogaayeen.

Allaa Mahad leh

Qalinkii: Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama)