John Kerry: Soomaaliya Waxa Ay Samaysay Horumar Aan La Qiyaasi Karin

Nairobi – (warsoor) – Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Bariga Afrika iyo xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka John Kerry ayaa maanta ku kulmay magaallada Nairobi ee dalka Kenya. Shirka ayaa looga hadlay xaaladda gobolka gaar ahaan xaaladda ka taagan Suudanta Koofureed iyo houmarka Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa la wadaagay wasiirrada, horumarka ay dowladda Soomaaliya ka sameeyay arrimaha ammaanka, dowlad-wanaagga, dimoqraadiyadda iyo dhaqaalaha. Dowladda Mareykanka ayaa uu uga mahad celiyay taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya, taakuleynta AMISOM iyo tababarka ciidanka XDS.

kerry-wasir1

“Horumar ayaa ay samaynaysaa Soomaaliya oo kaashanaysa saaxibbadeeda caalamka, doorashooyin bulshadu u dhan tahay ayaa ka dhacaya dalkeena sanadkaan. Taageerada Mareykanka ahmiyad ayay u leedahay Soomaaliya” ayuu yiri wasiir Hadliye.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka John Kerry ayaa sheegay in dalalka Bariga Afrika ay u baahan yihiin in ay xal u helaan dhibaatada argagixisadu ay ka waddo gobolka, isaga oo bogaadiyay horumarka Soomaaliya.

“Kulamadeenu waxa ay ahaayeen kuwo mira dhal ah oo looga hadlay mustaqbalka Soomaaliya iyo Suudaanta Koofureed. Bariga Afrika, waxa aan wali wajahaynaa dhibaatada xajirnimada rabshada wadata” ayuu yiri Kerry.

“Doodeenii maanta waxa aan diiradda ku saarnay saddex hadaf. Tan koowaad waa in la joogteeyo taageerada la siinayo shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda si ay u difaacdo muwaadiniinteda, u xoojiso hay’adaheeda iyo si ay ula timaado hannaan doorasho oo cad.

Tan labaad waa in aan hubinno in AMISOM ay hesho taageerada ay u baahan tahay si ayada oo kaashanaysa dowladda Soomaaliya ay si dhab ah oo joogto ah ula diriraan Al-Shabaab. Waxaan doonaynaa in aan hubinno in marka argagixisada laga saaro goob aysan dib ugu soo laaban. Tan saddexaadna waa heer goboleed, waa in aan xoojinnaa dadaalladeena ku aaddan nabadeynta xuduudaha, in aan wadaagno macluumaadka ku saabsan halista argagixisada, in aan tababarno sarakiil ammaan oo xirfad leh iyo ka hor-tagga aragtida xagjirnimada.

Ii ogolaada in aan caddeeyo, Waxa aan ka sameynay Soomaaliya horumar aan la qiyaasi Karin.

Dalalka gobolku waxa ay isku howleen la dagaallanka Al-Shabaab oo ay horumar ka sameeyeen. Al-Shabaab dib ayaa loo jabinayaa, sidoo kale dhaqaalaha Soomaaliya waa uu korayaa, Dowladduna waxa ay heleysaa awood. Laakin waxa aan u baahan nahay in aan samayno intaas ka badan, waana fahansan nahay arrintaas”.

Kerry, waxa uu ammaanay horumarka ay sameysay dowladda Soomaaliya ee dhinacyada ammaanka iyo dowladnimada. Waxa uu sheegay in Mareykanku uu taageerayo dowladda iyo shacabka.

Wasiirrada arrimaha dibadda dalalka Soomaaliya, Kenya, Suudaanta Koofureed, Uganda iyo Suudaan ayaa manta magaallada Nairobi kula kulmay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka John Kerry.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.