Joe Biden oo taageerayaashiisa ugu baaqay in ay difaacaan dimoqraadiyadda maraykanka

MARAYKANKA -(WARSOOR) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ugu baaqay taageerayaashiisa inay difaacaan dimoqraadiyada dalka oo uu sheegay inay halis ku jirto, maalin ka hor inta aysan dadka Mareykanka u dareerin goobaha codbixinta si ay ugu codeeyaan doorashada xilliga dhexe.

Isagoo ka hadlayay isu soo bax Isniintii ka dhacay gobolka Maryland si loogu ololeeyo musharraxa Dimuqraadiga ee gavanaha Wes Moore iyo Sen. Chris Van Hollen, Biden wuxuu sheegay in Mareykanka uu wajahayo “dhib u rogaal celin ah.”

“Waan ognahay lafteena in dimoqraadiyadeena ay halis ku jirto, waxaana ognahay in tani ay tahay waqtigiina aad difaaci lahayn,” ayuu yidhi.

Malaayiin ka mida bulshada maraykanka ayaa salaasadda dhiiban ka doona codkooda xarumaha cod bixinta ee doorashooyinka xilliga dhexe, iyadoo dadka qaar na xili hore codadkooda dhiibteen.

Sannadkan waxa lagu tartamayaa dhammaan 435-ta kursi ee golaha wakiilada iyo sidoo kale 35 kursi ee golaha guurtida,iyadoo Inta badan falanqeeyayaasha siyaasaddu saadaaliyeen in xisbiga Jamhuurigu awood u yeelan in uu gacanta ku dhigo aqalka wakiiladda.