Jamhuuriya Somaalilaand & Itoobiya oo dhinaca Caafimaadka Heshiisyo kaga Gaadhay Addis Ababa

Addis Ababa – (warsoor) – Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Jamhuuriyada Soomaalilaand  Dr. Saleebaan Ciise Axmed  (Xaglo Toosiye) ayaa heshiisyo dhinaca Caafimaadka kula saxeexday magaalada Addis Ababa  Wasiirka Caafimaadka ee dalka Itoobiya Professor Yefru Berahana.

Kulanka  Wasiirada Caafimaadka JSL iyo Itoobiya oo usbuucii hore dhamaadkiisii ka dhacay magaalada Addis Ababa, isla markaana, qabanqaabadiisa uu lahaa safiirka JSL u fadhiya dalka Itoobiya Cali Salaan Jirde (Shoombe) ayey ka qeybgaleen wefdi uu hogaaminayey Wasiir Dr. Saleebaan Ciise Axmed, oo wehelinayeen  agaasimaha qorshaynta ee wasaarada caafimaadka Faa’isa X. Axmed iyo la taliyaha Wasiirka Caafimaadka Dr. Cabdikarim Maxamed Muse & Safiir Cali Shoombe.

Weriye Maxamuud Cali Walaaleeye oo faahfaahinta kulankaa  khadka telefoonka ku weydiiyey Safiirka JSL ee Itoobiya Mr. Cali Shoombe ayuu ku jawaabay, “Kulanka  wasiirada Caafimaadka JSL & Itoobiya, jawi wanaagsan oo is-afgarad leh ayuu ku soo dhamaaday, waxaana heshiisyada lagu gaadhay ka mid ah, ‘Illaalinta isaga gudubka labada xad ee la xidhiidha arrimaha caafimaadka, tababarada xirfadlayaasha caafiimaadka, Tayaynta Shaqaalaha Wasaarada Caafimaadka, & waxbarashada.

Safiir Cali Shoombe ayaa raaciyey, “Kulankaa ayey ka qeybgaleen wefdi uu hogaaminayo Wasiirka Caafimaadka JSL Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye), kuna weheliyeen agaasimaha qorshaynta ee wasaarada caafimaadka Faa’isa X. Axmed iyo la taliyaha Wasiirka Caafimaadka Dr. Cabdikarim Maxamed Muse &  anniga (Safiir Cali Shoombe) halka dhinaca Itoobiyana ka qeybgaleen Wasiirka Caafimaadka Professor Yefru Berahana iyo madax ka tirsan wasaarada Caafimaadka, waxaana qodobadii lagu heshiiyey ka mid aha in iskaashi guud dhex maro labada wasaaradood Caafimaad, si looga hor tago halista caafimaadka ee wakhtigan dunida ka jira.

Kulankaas ayaa ku soo dhamaaday is af garad Buuxa iyo jawi walaaltinimo, waxaana laysku afgartay in guddiyo labada dhinac oo sii ambaqaada hirgelintooda la sameeyo mustaqbalka dhow.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.