Jamaal Cali Xuseen oo Qiray Inay Kulan Gaarka ah Yeesheen Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE

Hargeysa – (warsoor) –  Siyaasi Jamaal Cali Xuseen ayaa qiray in uu kulan gaar ah la yeeshay gudoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ka hor shirkii uu garabkiisu gaarka u qabsaday.

jamaal-cali

Qiraalkan Jamaal ayaa yimid ka dib markii uu shalay bartiisa Facebook-ga ku qoray Mujaahid Cali Guray oo ka mid ahaa Garabka Jamaal Cali Xuseen in Jamaal iyo Muuse Biixi ay kulan yeesheen ka hor intii aanu Jamaal Qabanin Shirkii aan caadiga ahayn ee ku dhawaaqay inuu yahay musharaxa xisbiga UCID, sidoo kalena ay garabkiisu magacaabeen gudoomiye cusub.

Shirkan jaraa’id ee Jamaal Cali Xuseen ayaa warbaahintu waxay ku waydiisay inuu jiray kulan qarsoodi ahaan oo ay wadda yeesheen isaga iyo gudoomiyaha xisbiga KULMIYE, waxaan Jamaal Cali Xuseen yidhi, “Inaga wax heshiisa oo qarsoodi ah namay dhex marin aniga iyo Muuse Biixi, laakiin aniga iyo Muuse Biixi waa is aragnay. Muuse Biixina si sharaf leh ayuu iila hadlay, anna si sharaf leh ayaan ugu jawaabay. Waxaasina wax gaar ah ayey ahaayeen”.

Jamaal Cali Xuseen ayaa sheegay in Guray oo wali garabkiisa ka tirsan yahay meel uu kaga baxayna aanay jirin. Balse uu kaga aragti duwanaaday shirkii aan caadiga ahayn ee ay qabasadeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.