Israa’iil oo Gantaalo Ku Duqaysay Bartilmaameedyo Suuriya

Suuriya – (warsoor) –  Sida ay sheegeen milatariga Israa’iil, waxay diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil duqaymo u gaysteen goobo ku yaala Suuriya. Weerarkan ayaa dhacay saacado ka dib markii dagaalyahanadda ka dagaalama Suuriya ay gantaalo ku weerareen buuraha Golan Heights ee ay heysato Israa’iil.

Duqaynta ayaa dhacday saacado ka dib markii Maraykanka iyo Ruusha ay jabiyeen xabad-joojintii duhurnimadii Isniinta.  Dawladaha Washington iyo Moscwo ayaa doonaya inay joojiyaan dagaalka sokeeye ee muddada shanta sano ah ka soconaaya dalka Suuriya.

Smoke from explosions rises during fighting in the village of Jubata Al Khashab in Syria, as seen from the Israeli side of the border fence between Syria and the Israeli-occupied Golan Heights

War-saxaafadeed ka soo baxay milatariga Israa’iil ayaa lagu shegay in aan cidina waxba ku noqon gartaaladdii laga soo ganay dhinaca Suuriya. “Waxaanu duqaymo diyaaradeed ku qaadnay badhatamaha Buuraha Golan Heights ee dhinaca ay maamusho dawladda Suuriya”.

Goobta ay duqeeyeen milatariga Israa’iil ayaa u dhow goobaha dagaaladda sokeeye ka socdaan ee dalka Suuriya. Israa’iil ayaa marar dhawr ah waxay weeraro aargoosiya ka gaysataa dalka Suuriya marka gantaalo lagu soo rido dhulkeeda.

Afhayeenad u hadashay milatariga Israa’iil ayaa sheegtay in tan iyo 4-tii September ay weeraro rogaal-celin ah ku qaateen fadhiisimo ku yaala Suuriya oo ay sheegtay in gantaalo lagaga soo riday.

Israa’il ayaa dagaalkii Bariga dhexe ee 1967 Suuriya ka qabtay dhulka istaraatiji ah ee Golan , waxaanay tan iyo 1981 doonaysay in ku darsato dhulkeeda, balse kumay guulaysan in si caalami ah loogu aqoonsado dhulka Golan heights.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.