Israa’iil oo Bilowday Sharci ay ku joojinayso Edaanka Masaajidka Barakaysan ee Qudus iyo Cadho ka Dhalatay

Israa’iil – (warsoor) – Dawladda Israa’iil ayaa wadda hindhise sharciyeeed ay ku doonayso inay ku mamnuucdo eedaanka Salaada Subax iyo barqadda ee magaalooyinka ay xooga ku haysato iyo masaajidka Barakaysan ee Qudus.

Saacadu waxay maraysaa 4:30am, Mufeed Shawana waxaa uu ku degdegayaa inuuu galo Masjidka Al-qudus si uu Salaada suubax u eedaamo.

In yar ka dib markii uu dhameeyey eedaankii waxaa wax laga waydiiyey waxa uu dareemi doona marka maalin dhow hoos loo dhigo codka dhawaaqa eedaanka.

“Waxay aniga ii tahay murugo,  eedaanka salaaduhu wuxuu ahaa mid la soo samayn jiray muddo 1,400 oo sanadood ah”.

Sharci uu badhitaarayo Ra’iisal Wasaaraha Yuhuuda Benyamin Netanyahu ayaa  la doonayaa in meelaha u dhow dhulka ay Israa’iil haystato ee bariga magaaladda Juurisalaam laga mamnuuco in eedaanka dheer ee salaadaha habeenkii iyo subaxa hore in la joojiyo.  Sharcigan waxaa ansixiyey  golaha wasiiradda Israa’iil waxana ka doodi doona oo cod u qaadi doona barlamaanka dalkaasi.

masjidka-aqsa

Sharcigan ayaa si ku meel gaadh ah loo hakiyey, balse dawladda Israa’iil ayey ka go’an tahay inay dhaqan galiso.

Mu’adinka Shawana ayaa ku dooday in aanay cidina dafirsanaynin xuquuqda diimeed ee Yuhuuda, balse waxaa uu sheegay in eedaanku ay ka mid tahay xuquuqda dadka Muslimta ahi ay leeyihiin.

In badan oo ka mid ah dadka Yuhuuda ah ayaa aaminsan aragti ahaan in eedaanku uu qaylo ku yahay deegaanka, xisbiga Motti Yogev ee midigta fog ah ayaa sheegay in eedaanku uu khalkhal galinaayo nabad-galyadda boqolaal kun oo dad ah.

Falastiinta ayaa dhankooda cadho weyn ka muujiyey xeerkan waxaanay sheegeen in Yuhuud ay ku xad-gudbayso xaq ay Muslimiintu u leeyihiin diintooda. Waxaanay sheegeen haddii ay  Israa’iil xeerkan ansixiso in guri kasta ay ka dhigi doonaa Masaajid.

Dhulka ay Falastiiniyiintu dagan yihiin ee ay Yuhuudu haysto waxaa ku yaala in ka badan 400 oo masaajid  oo ay ku jirto bariga magaaladda Jerusalem.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.