Iska horimaad Dhex Maray Dad Danyar ah iyo Ciidamada Booliska Wajaale oo Dhimasho iyo Dhaawac Sababay

Wajaale – (warsoor) – Ciidamada Booliska Somaliland ee Degmadda Tog-wajaale iyo dad danyar ah oo gadoodsan ayaa maanta iska horimaad ku dhex maray goob khasab looga raray dadkaas oo ku halkaasi ku haystay ganacsiga tumaalista.

booliska_wajaale

Iska hormaad ayaa la sheegay in ciidamada Boolisku ay rasaas nool u adeegsaday inay kala eryayaan dadkii mudaharaadaayey waxaana halkaasi ku dhintay hal qof, waxaana ku hdaawacmay laba qof oo kale.

Sida ay warbaahinta u sheegeen dadkii mudaharaadka dhigaayey, waxaa dadkani ka mudaharaadeen ka dib markii ay ciidamada booliska oo amar ka haysta maayar ku-xigeenta magaaladda Wajaale ay qasab kaga rareen dad danyar oo ka ganacsadda Tumaalista, waxaanay dadkani sheegeen in hore looga raray goobo ay kaga ganacsan jireen Suuqa, haddan ay dawladdu kaga daba timid, goobo dooxa ay ka samayteen oo ay ku shaqaystaan loona sheegay in goobtaasi la bixiyey.

Rabashadaasi ayaa markii ay dhaceen ka dib waxaa magaaladda Tog-wajaale soo gaadhay Badhasaabka Gobolka Gabiley Xamse Maxamed Cabdi, Maayarka Gabiley Maxamed-Amin Cumar Cabdi, Maayar ku-xigeenka Gabiley, Gudoomiyaha Wajaale, iyo Taliyaha Qaybta Gobolka Gabiley, waxaanay dhamaan masuuliyiintani tacsi u direen ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuun ku dhintay iska horimaadkan, waxaanay sidoo kale bulshadda ugu baaqeen inay ilaaliyaan Nabad-galyadda, hawshanna in ay gacanta ku hayso baadhisteen xukuumaddu.

Halkan ka daawo warkaasi oo dhamaystiran:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.