Isimada Puntland oo soo saaray go’aan la xiriira xiisadda Boosaaso

BOOSAASO — (WARSOOR) – Odayaaqasha dhaqanka ee maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay inay soo saareen qodobo ay doonayaan inay ku xalliyaan muran ka dhashaya xilka qaadista lagu sameeyey taliyaha ciidamada gaarka ah ee PSF Sarreeye Guuto Maxamuud Cismaan Cabdillaahi.

Isimada Puntland ee soo saaray qoraalkan oo ka kooban lix xubnood ayaa sheegay in qodobada ay soo saareen ay ugu hoorrayso in la fuliyo wareegtada madaxaweynaha Puntland Saciid cabdullaahi Deni ee lagau beddelayey Maxamuud Cismaan Cabdullaahi, taasi oo 24-kii bishii hore xilkaas u magacaabaysay Sarreeye Guuto Maxamed Amiin Cabdulaahi.

War saxaafadeedkaas ayey isimada ku sheegeen inay go’aamiyeen in guryaha, hubka iyo gadiidka uu mulkiyaddooda leeyahay sarreeye guuto Maxamuud Cismaan Cabdulaahi.

War saxaafadeedkaas ayey isimada ku sheegeen inay go’aamiyeen in guryaha, hubka iyo gadiidka uu mulkiyaddooda leeyahay sarreeye guuto Maxamuud Cismaan Cabdulaahi.

Waxay kale oo isimadu go’aamiyeen sida ay sheegen in xuquuq ka maqan ciidanka PSF mudod 13 bilood ah uu bixiyo mamaulka Putland, iyo sidoo kale mamaulku Puntland u soo jeediyay inuu bixiyo kharashka ilaalada taliyihii hore ee PSF.

Ugu dambayn isimadu waxay sheegeen inay ugu baaqayaan dadka Boosaaso inay ka wada shaqeeyaan amniga iyo xasilloonida magaalada.