Garsoorka Somaliland oo Horumar weyn ku talaabsaday

Hargeysa – (warsoor) โ€” Shalay ayaa u danbeysay markii Dhagaha Ummada reer Somaliland ay ku diirsadeen dhawaaqii kasoo baxay Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex Garsoore Dalmar oo Xukun ku riday Koox is barkan oo Maxkamada horteeda ay kaga cadaatay inay Laaluush bixiyeen, lana Xukumay kuwii Laaluushka bixiyay, kii Laaluushka qaatay iyo kii ka dhex dilaalay ee fududeeyayba.

cadd

Go’aankan Taariikhiga ah ee ay Maxkamadu soo saartay waxa uu Farriin cad u dirayaa qof kasta oo Laaluush qaate ahaa ama cid kasta oo Laaluushka bixin jirtay iyo kuwii Fasaadkaas ka ganacsan jirtay ee Maxkamadaha hor taagnaan jiray.

Waa Talaabo hore loo qaaday oo Tilmaamaysa in Dhalinyaradii uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland u xushay inay isbedel muuqda ku sameeyaan Waaxaha Garsoorka iyo Cadaaladu ay kasoo dhalaaleen.

Isbedelkan lagu Diirsaday ee ay Hormuudka u u yihiin Geesiyaasha uu Madaxweyne Siilaanyo u xushay Horumarinta iyo Sixida laamaha Cadaalada oo ay horkacayaan Gudoomiyaha Maxkamada Sare Prof. Aadan Xaaji Cali iyo Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex Garsoore Axmed Dalmar iyo Masuuliyiinta kale ee Waaxyaha Garsoorka ayaa yididiilo hor leh ku abuurtay Shacbiga reer Somaliland.

Waxaa Muuqata in durba la suuliyay oo la sifeeyay kuwii Maxkamada hor tubnaan jiray ee magacyada kala duwan loo yaqaanay ee caanka ku ahaa Furida Markhaati Beenaalaha, Lasluushka iyo u kala ergeynta Dacwoodayaasha iyo kuwa Dacwadaha gacanta ku haya, waxaa sidoo kale meesha ka baxay kuwo shaqadoodu ay ahayd inay Dhaar been ah u maraaan qof kasta oo shilimaad siiya oo ka codsada inay Markhaati been ah u furaan iyaga oo hal-hayskoodu uu ahaa ma kuu Gubtaa..!

Waxaan Bogaadin u dirayaa Masuuliyiinta kala duwan ee imika ka hawl gala laamaha Garsoorka Dalkeena waxaanan ku dhiirri gelinayaa inay dedaalkooda halkaas kasii wadaan. Dadweynaha Reer Somaliland ayaa iyagana laga rabaa inay si sax ah u maraaan Dacwadahooda oo ay ka fogaadaan inay Laaluushka bixiyaan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.