Isbadbaddalka Xaaf ee Galmudug ‘ma xeelad xumaa mise waa xal’?

SOOMAALIYA – (WARSOOR) – Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa asbuucan markii labaad ka laabtay wakaaladdii dhismaha maamulka Galmudug oo uu 4-ta bishii Luulyo ee sanadkii hore uu ku wareejiyay Wasaaradda arrimaha gudaha ee Dowladda Federaalka.

Balse saddexd bilood kadib, 30-kii bishii Sabtembar ee sanadkii tagay, waxaa uu isla madaxweyne Xaaf soo saaray war qoraal ah oo uu ku sheegay in uu ka laabtay u wakiilashadiisii wasaaradda arrimaha gudaha ee doorashada Galmudug, wuxuuna sababta ku sheegay “in ay soo badatay cabashada ay qabaan beelaha dega Galmudug, sidaasi darteedna lagama maarmaan ay noqotay in howlaha doorashooyinka iyo dib u heshiisiinta lagu soo celiyo gacanta maamulkiisa.

Haseyeeshee, Xaaf mar kale ayay heshiiyeen isaga iyo wasaaradda uu hogaamiyo wasiir Sabriye, waxaana ay ku heshiiyeen in Dowladda Federaalka ay hormuud ka noqoto qorshaha maamul u sameynta Galmudug, waxaana taas ay keentay in mar labaad uu wasaraadda arrimaha gudaha u wakiishay dhismaha maamulka Galmudug, taas oo soo afjartay khilaafkii u dhaxeeyay maamulka Galmudug iyo dowladda dhexe.

Haddana markale ayuu madaxweyne Xaaf ka laabtay wakiilashadii labaad, waxaana 5-ta bisha Janaayo ee sanadkan 2020-ka uu sheegay in uu soo dhisay guddi farsamo oo uu sheegay in ay ka shaqeyn doonaan doorashada Galmudug.

“Heshiiska aan qaatay wuxuu ahaa markii horeba in annagu aan doorashada hogaaminno, Dowladda Federaalkana ay nala joogto, mar dambe ayaa maadaama uu khilaaf ina soo kala dhexgalay, waxaan niri bal adinku wada oo dadka isku soo dhaweeya, arrintii sidaas ahayd si kale ayay u badalantay oo markii ra’iisul wasaaraha yimid, meesha wuxuu ka dhigay in aysan dolwdi meesha ka jirin”, ayuu yiri Xaaf oo la hadlayay BBC-da.

Wuxuu intaa raaciyay in uusan wax heshiis ah ka bixin, balse taas badalkeeda uu ku eedeeyay Dowladda Federaalka in ay ka baxday heshiisyadii ay wada galeen.

Go’aanka labaad ee uu qaatay ayaa waxaa kasoo horjeestay qaar kamid ah mas’uuliyiinta laga soo doorto Galmudug, oo sheegay in aanay ku raacsaneyn.

“Galmudug ila meerayso lagu danaysanayo intaan ka badan uma dulqaadan karto!. Madaxweyne Xaaf markii uu ku wareejiyay Wasaarada Arimaha Gudaha xilkii reer Galmudug ay u dhiibteen ayuu ka tanaasulay mas’uuliyaddii uu Galmudug u hayay. Xilka laguu doortayna waa dhiibay in aad dhahdo waxay la mid tahay adiga oo iska casilay, marka Galmudug mas’uuliyad hadda uma haysid ee hadii han siyaasadeed kaaga jiro tartanka soo gal abtiyow”, sidaa waxaa bartiisa Twiter-ka ku qoray xildhibaan Mahad Salaat oo kasoo jeeda deegaanada Galmudug.

Hasayeeshee dadka darsa arrimaha Soomaaliya ayaa aaminsan in inkastoo ay jirto isbadbadel dhanka go’aanada ee madaxweyne Xaaf haddana Dowladda Federaalka ay ka gudubtay xilliga ay u baahnedy Xaaf.

Xassan Cali oo wax ka dhiga mid kamid ah jaamcadaha Magaalada Muqdisho, kana faallooda arrimaha Soomaaliya, ayaan weydiinnay waxa ay ka dhigantahay arrintan.

“Isbed-bedelka Madaxweyne Xaaf waxaa laga fahmi karaa in siyaasada Soomaaliya jahwareertay, sababtoo oo ah Dowlada Dhexe ee Federal-ka ayaa kolba dhinac u socota. Tusaale ahaan, Dowlad Federal-ku waxay Madaxweyne Xaaf kala wareegtay awooddii hogaaminta ee Galmudug, arinkaas-na Xaaf waa aqbalay. Hadana mar labaad Dowladda Dhexe ee ayaa u celisay awooddii (ama soo nooleeysay). Dowladda Dhexe ayaa u baahtay in Madaxweyne Xaaf ka qeybgalo shirkii beesha caalamka (Partnership Forum), si ay Dowladdu ugu dooddo in ay gacanta ku hayso badi Maamul-Goboleedyad, taasoo ka dhigan in ay maamusho 3 ka mid ah shanta maamul goboleed. Hadana markale ayey Dowladda Dhexe Madaxweyne Xaaf kala noqatay awooddii Gulmudug oo waxay rabtaa in ay dhisto Maamul cusub oo aysan kala tashan Xaaf”, ayuu yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Xasan sheegay in xukuumadda uu madaxweynaha ka yahay Farmaajo ay ujeeddooyin gaar ah ka leedahay go’aannadeeda kala duwan ee ku aaddan Xaaf.

“Dowlada Dhexe waxay rabtaa in ay isticmaasho Madaxweyne Xaaf, waliba sida ay dooneeyso”, ayuu yiri Xassan Cali.

Dhanka kale wuxuu eegay mustaqbalka loo saadaalin karo gobolka.

“Hadii xaalku ku sii socdo sida ha wax ku sii socdaan waxaa dhici kara 2 arimood midkood: 1. In Dowlada Dhexe dhisto Maamul aan loo dhammeyn isla markaasna abuuri-doona qalalaase siyaasadeed oo u soo gudba ilaa iyo Muqdisho iyo guud ahaan siyaasada Soomaaliya oo dhan. 2. In Madaxweyne Xaaf helo taageero siyaasadeed oo ay iskugu tagaan dhammaan inta ka caraysan qaabka wax u socdaan, natiijaduna noqoto in Gulmudug yeelato 2 Madaxweyne isla markaasna Gulmudug hareereeyo buuq siyaasadeed iyo in Maamulka hada Dowlada Dhexe dhisayso uu shaqeeyn waayo”, ayuu yiri.

Inkastoo madaxweyne Xafa uu wlai yahay qofka ugu sarreeya maamul goboleedka Galmudug ayaa haddana waxaa muuqata in hadalkiisa uusan wax saameyn ah lahayn marka la eego halka ay hadda wax marayaan iyo sida dhinacyada siyaasadda ee Galmudug, oo ay kamid tahay Ahlu Sunna, ay ugu qanacsan yihiin qaabka uu u socdo hannaanka maamul dhisidda Galmudug. Waxaase aan la ogeyn halka ay ku dambeyn doonaan tallaabooyinka uu haatan qaaday.

XIGASHO: BBCSOMALI

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.